Mas’uulkii ugu horeeyay ee SOOMAALI ah oo ku biiraya dagaalka dalka ETHIOPIA

Addis Ababa (Caasimada Online) – Madaxa xisbiga haya talada Ethiopia ee u qaabilsan dowlad deegaanka Soomaalida, Injineer Maxamed Shaale Isxaaq ayaa markii u horeysay ku dhawaaqay in uu ku biirayo jiidda dagaalka.

Waxa uu sheegay in diyaar u yahay inuu u hogaansamo baaqa Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed, xili qaar kamid ah mas’uuliyiinta dowladda Federaalka ay ku dhawaaqeen inay ka qeyb-galayaan dagaalka ka dhanka ah jabhadda Tigray.

“Waxaan diyaar u ahay in aan tego jiidda hore ee dagaalka, waxaana u hoggaansamayaa baaqa Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed” ayuu yiri Maxamed Shaale Isxaaq, sida lagu baahiyay bogga Facebook ee xisbiga Prosperity Party.

Waa mas’uulkii ugu horreeyay ee Soomaali ah oo si rasmi ah ugu dhawaaqa in uu ka qeyb galayo dagaalka Ethiopia, balse ay jiraan Ciidamo ka tirsan kuwa dowlad degaanka Soomaalida oo ka qyeb galay dagaalka ka socda dalkaas.

Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed ayaa Isniintii wacad ku maray inuu tegi doono furinta dagaalka si uu hogaamiyo ciidanka, isagoona sheegay inay ku jiraan wejigii ugu dambeeyay ee badbaadinta Ehtiopia.

Ciidamada Tigray-ga ayaa soo gaaray magaalo 220-km u jirta Addis Ababa, kadib markii ay wax ka yar bil gudaheed kusoo jareen dhul 100-km ka badan.

Abiy ayaa ciidamada dowladda u diray gobolka Tigray bishii November ee 2020, kadib markii uu TPLF ku eedeeyey inay weerareen xero ay leeyihiin ciidamada dowladda.

Kadib bilo ay haysteen gobolka, ayaa wax walba waxay isbeddeleen bishii June ee sanadkan kadib markii TPLF ay dib ula wareegtay gobolka, ciidamada dowladdana ay ka baxeen.

Wixii markaa ka dambeeyey TPLF ayaa isku ballaarisay gobollada deriska la ah ee Amhara iyo Afar.

Waxaa sii kordhaya digniinta caalamiga ah ee ku aaddan in laga baxo magaalada Addis Ababa ee caasimadda Ethiopia, xilli ay kusoo dhowaanayaan mucaaradka dalkaas.