Mas’uulkii ugu horeeyay ee Muungaab uu magacaabo oo xilka iska casilay

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho waxaa galabta shir jaraa’id ku qabtay afhayeenka maamulka gobalka Banaadir, Cabdibaasid Maxamed Cabdiraxmaan.

Wuxuu sheegay in uu xilkaas iska casilay kaddib markii uu la shaqeyn waayay guddoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho, Gen Xasan Xuseen Muungaab.

Wuxuu kaloo sheegay afhayeenkii horre in tan iyo markii loo magacaabay xilkaas in uusan shaqeynin oo uu markasta rabay in uu iska casilo xilka loo magacaabo laakin uu maanta go’aansaday in uu shaqada katago.

Si dhab ah looma oga wax yaabaha sababay in uu iscasilo afhayeenkii gobalka Banaadir oo xilkaas hayay muddo bil ah.

Afhayeenkii gobalka Banaadir oo galabta is casilay
Afhayeenkii gobalka Banaadir oo galabta is casilay

Muxuu isku casilay?

Ilo xog ogaal ah ayaa u sheegay Caasimada Online in uu jiray khilaaf ka dhexeeyay Muungaab iyo Cabdibaasid, kaasoo salka ku haya markii guddoomiyaha gobalka Banaadir uu u didday in Kaxda uu u aqoonsado degmo.

Arrintaas ayaa waxa ay keentay in culeys ballaaran uu afhayeenka kala kulmo beeshiisa taasoo tiri waa kuu sharraf darro in aad la shaqeyso nin diidday degmada iyo dadka aad ka soo jeedo.

Guddoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho, Gen Muungaab ilaa hadda kama hadlin iscasilaada afhayeenkiisa.

Beesha Shiikhaal ayaa Muungaab ku eedeeyay in uu si gaar ah ula dagaalsan yahay, maadama degmada Kaxda uu diiddan yahay, dhowr jeedna guddoomiyihii degmadaas ka ceyriyay kulamada maamulka degmooyinka Banaadir.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com