Xagla-toosiye oo gaaray Buuhoodle & xiisad cusub oo magaalada ka taagan

Buuhoole (Caasimada Online) – Wararka naga soo garaya magaalada Buuhoodle ee gobalka Togdheer ayaa sheegaya in halkaas uu maanta gaaray wafdi uu hoggaaminaayo wasiirka caafimaadka ee maamulka Somaliland Suleymaan Ciise (Xagla-toosiye).

Safarka uu ku tagay Xagla-toosiye Buuhoodle horrey looma sii shaacin oo waxaa la ogaaday uun markii uu tagay isaga iyo wafdiga la socda siddaas waxaa ku soo warramay wariyaha Caasimada Online ee Togdheer.

Xog badan lagama hayo socdaalka Xagla-toosiye uu ku tagay Buuhoodle, waxaana socdaalkiisa uu ku soo beegmay xilli magaaladaas ay ku sugan yihiin siyaayiin uu ka mid yahay xildhibaan Cali Khaliif Galeyr .

Si kastaba, magaalada waxaa laga dareemayaa saan-saan colaadeed oo ku aadan dagaal markale dhex maray Somaliland iyo Khaatumo.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo dhowaan ka hadlay xiisadda ka aloosan labada maamul ayaa sheegay in wadahadallo la xiriira colaadaha ka taagan deegaannadaas ay dowladda Soomaaliya la gashay maamullada Somaliland iyo Puntland, si loo yareeyo khatar shacabka ka soo gaarta dagaallo halkaas ka dhaca.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa carabka ku adkeeyay in dowladda Soomaaliya ay gacan ka geesatay daminta xiisadda Buuhoole iyo Taleex wuxuuna sheegay in uu la hadlay madaxweynayaasha Somaliland iyo Puntland.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Buuhoodle

Caasimada@live.com