MATAANO 3 sanno kala weyn waa qiso adduunka ku cusub!

London (Caasimadda Online) – Waalidiinta Denise iyo Glen Higgs, ayaa ahaa madhaleysyo cudurka dilaaga ah ee kansarka dartiis, gabadhooda Mazy ayaana dhalatay seddax sanno ka hor markii ay dhaqaatiirtu ku guuleysteen inay u abuuraan uur-jiif, sida ay ku warrantay Daily Star.

Lamaanaha Denise iyo Glen Higgs ayaa markale isku deyey inay isticmaalaan uur-jiiftii loogu abuuray Mazy oo kale, dhowaan ayaana waxaa u dhashay mataanaha Carter iyo Carson, laakiin arrinta layaabka leh ayaa aheyd inay dhaqaatiirtu sheegeen in seddaxda cunug Mazy, Carter iyo Carson ay dhammaantood uur-jiifta ku abuurmeen hal waqti.

Waana arrin xaqiiqdii layaab waalli ah leh sababtoo ah seddaxdaan cunug ee la sheegay inay mataanaha yihiin waxay kala wayn yihiin seddax sanno iyo bar haddii aan kuu jilcinno gabadha Mazy ayaa seddax sanno iyo bar ka weyn mataaneheeda Carter iyo Carson.

Waalidiinta Denise iyo Glen Higgs ayaa haatan sheegay inay joojiyeen isticmaalka uur-jiifta maadaama aysan qorsheyneyn inay raadiyaan ilmo ka badan seddaxdaan mataano ee layaabka cusub adduunka keenay.