Guul-darro kale oo Xasan kasoo wajahday D/M

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa lagu eedeeynayaa iney ku fashilantay balanqaadyo horay ay u sameysay oo ku aadan in shirka maamul usameynta gobolada dhexe lagu qabanayo magaalada Cadaado.

Afhayeenka odayaashii shirka uu ugu soo dhamaaday magaalada Dhuusomareeb C/ladhiif Warsame oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay in shirar kala duwan oo ka dhacay Dhuusomareeb aysan wali natiijo kasoo bixin.

Kulamada ayaa u dhaxeeyay xubno dowlada Soomaaliya ka tirsan oo Xasan Sheekh soo diray oo maalmahaan ku sugnaa magaalada Dhuusomareeb ee gobolka Galgaduud iyo odayaal diidanaa in shirka maamul usameynta gobolada dhexe ee dalka.

Afhayeenka ayaa sheegay in kulamadaasi aysan wali wax natiijo aysan kasoo bixin  ayna isku afgaran la yihiin dhinacyada ku shiraya magaalada Dhuusomareeb ee gobolka Galgaduud.

Afhayeenka ayaa sheegaya in dowlada Soomaaliya ay u muuqato mid ku fashilmeysa balanqaadyadii ay horay u sameysay oo ku aadanaa in ciidamo AMISOM ah la geyn doono magaalada Cadaado shirkana uu halkaasi ka furmi.

“Dowlada weyba ku fashilmeysaa balanqaadyadii ay sameysay, sababtoo ah ciidamo ayaa la geynayaa ayay dhahday Cadaado shirkana wuu furmayaa, laakiin waxba ilaa iyo hadda kama qabsoomin”ayuu yiri afhayeenka odayaashii ku shirayay magaalada Dhuusomareeb.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa isku dayaya inuu reer Dhuusomareeb ku qanciyo in shirka loo raro Cadaado, balse waxa ay tani uga dhigan tahay guul darro kale.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com