Sawirro: KENYA oo soo bandhigtay magacyada iyo sawirrada ragii weeraray Jaamacada Gaarisa

Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa maanta shaacisay Magacyada iyo Sawiradda Dadkii ka dambeeyay Weerarkii lagu qaaday Dhismaha Jaamacadda Garissa.

Dowlada ayaa sheegtay in xogtaasi ay la kaashatay qaar kamid ah wardoonkeeda, waxa ayna sheegtay inay u suuragashay helitaanka Liiska iyo Sawirada qaar kamid ahaa Dagaalamayaashii dhowrka saac la wareegay Dhismaha.

Waxa ay sheegtay in qaarkood ay badqabaan islamarkaana ay ku raad joogaan, halka qaarna ay kamid noqdeen kuwa dhismaha lagu laayay.
Terror

Haddaba Magacyada Lix kamid ahaa Dagaalamayaasha ayaa waxa ay kala yihiin:-

1-Muumin Abdalla Muumin

2-Suleiman Mohamed Awadh

3-Abdifatah Abubakar Abdi,

4-Aka Musa Muhajirm

5-Abdalla Salim Marumu

6-Mohamed Abubakar Mohamed

7-Mahir Khalid Riziki.

Weerarkii Garissa waxa ku dhintay Dad gaaraya 147 qof.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
Caasimada@live.com