Beesha SADE oo cadeysay mowqifkeeda shirka

Cabudwaaq (Caasimada Online) – Beesha Sade oo dhowr maalmood ka hor isaga baxday shirka dhismaha maamulka gobollada Mudug iyo Gal-Gaduud ee Dhuusomareeb, ayaa Cabduwaaq kasoo saartay bayaan ay ku caddeeneyso mowqifkooda shirkaas.

Bayaankaasi oo nuqul ka mid ah lasoo gaarsiiyey Caasimada Online ayaa u qornaa sidan:-

Mowqifka Beesha Sade ee Maamul Samaysashada Gobollada Dhexe

Waxaa in muddo ahba socday dedaal lagu doonayo in lagu dhiso maamul ay ku mideysanyihiin gobollada Galgaduud iyo Mudug ee dalka Soomaaliya. Shir dib-u-heshiin ah oo loogu diyaar garoobayay dhismaha maamulkaas ayaa ka furmay magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda gobolka Galgaduud. 24kii Maarso, 2015 ayay ergadii ka soo qaybgashay shirku soo saareen war-murtiyeed ay ku caddeeyeen in shirka maamul u samaynta gobollada dhexe uu ka furmi doono magaalada Dhuusamareeb. Waxaa war-murtiyeedkaas ku saxiixnaa salaaddiinta dhammaan beelaha deggan gobollada dhexe.

Intaas ka dib, Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa billaabay in uu u ololeeyo in shirka loo raro magaalada Cadaado isaga oo booqday magaalada Dhuusamareeb si uu ugu qanciyo ergooyinka in ay tagaan Cadaado. Rabitaanka Xasan Sheekh Maxamuud waxaa si toos ah u diiday dhammaan beelihii ku shirsanaa Dhuusamareeb wuxuuna Muqdisho ku laabtay isaga oo fara maran. Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu billaabay in uu kala furfuro beelihii ku shirsanaa Dhuusamareeb isagoo adeegsanaya laaluush iyo ballanqaadyo been ah. Beelaha laaluushka iyo beenta Xasan Sheekh ay u cuntami waayeen waxaa ka mid ah beesha Sade ee gobolka Galgaduud.

Abriil 1, 2015, waxaa gebi ahaanba shirkii dhuusamareeb isaga baxay odayaashii iyo ergooyinkii beesha Sade xilli uu Xasan Sheekh ku soo wajahnaa magaalada Dhuusamareeb si uu u sii wado laaluushkii iyo beentii uu ku kala qaybinayay ergooyinka Dhuusamareeb.

Ergooyinka beesha Sade oo ay ka mid ahaayeen ugaaska beesha, nabaddoonno, aqoonyahanno, iyo siyaasiyiin ay ku jireen guddoomiyayaasha Caabudwaaq, Balanballe, G/X Dhuusamareeb, Dhabbad, iyo Bangeelle ayaa shir wada-tashi ah u tagay degmada Caabudwaaq. Maalin ka dib, Madaxweynaha dowladda ku-meel-gaarka ah ayaa diray wafdi ka kooban wasiirro iyo xildhibaanno ka soo jeeda degaanka si ay wada hadal ula soo yeeshaan hoggaanka beesha. Haddaba, annaga oo ku hadlayna magaca qurbajoogta beesha Sade, waxaan caddaynaynaa:

• Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu majara-habaabiyay shirkii maamul u samaynta gobollada dhexe sidaas awgeedna wuxuu qaadi doono mas’uuliyadda fashilka ku yimid dedaalkii ay dadka degaanku ku doonayeen in ay maamul ku dhistaan.

• Si shirka looga sii wado halkiisii, waa in dowladda Xasan Sheekh ay oggolaato rabitaanka dadka degaanka oo ah in shirka maamul samaynta lagu qabto magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda gobollada dhexe. Haddii shirka laga rarayo magaalada Dhuusamareeb, waa in loo soo raro magaalada Caabudwaaq oo leh awood ay ku marti-geliso shirka maamul samaynta.

• Degmooyinka beesha Sade waxay udub dhexaad u yihiin dhismaha maamulka gobollada dhexe oo ka kooban hal gobol iyo laba degmo. Haddii madaxweynuhu ku tala-xumaysto in uu ururro/beelo la safto kana shaqeeyo qabyaalad, waxay beeshu ku dhawaaqi doontaa maamul u gaar ah degmooyinka beesha inta laga helayo dowlad Soomaaliyeed oo rasmi ah.

• Waxaan ugu baaqaynaa dhammaan beelaha walaalaha ah ee gobollada dhexe in aysan ku sirmin ballan-qaadyada beenta ah iyo laaluushka Xasan Sheekh oo ay wadajir u difaacdaan xuquuqdooda ah in ay aayahooda ka tashadaan soona dhistaan maamul ay wada leeyihiin.

Beesha Sade ee gobolka Galgaduud

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com