XOG: Maalmihii Muungaab oo gebo gebo sii ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Xasan Maxamed Xuseen Mungaab uu kulamo gaar gaar ah la qaadanaayo Xubnaha sare ee Maamulka Gobolka.

Ilo wareedka ayaa sheegaya in Mungaab uu xubnahaasi ku wargalinaayo inay suuragal tahay in lagu sameeyo xil ka qaadis, islamarkaana looga baahan yahay inay muujiyaan dhabar adeeg.

Sida dad ku dhow Muungaab ay sheegeen waa uu u sheegay in hadii laga qaado ay sidoo kale suuragal tahay in xil ka qaadis ceynkaasi ah lagu sameeyo ku-xigeeno badan iyo weliba Gudoomiyayaasha Degmooyinka, loona baahan yahay in si KMG ah loo sii xoojiyo howlaha Gobolka.

Wararka ku saaban xil ka qaadista Muungaab ayaa kusii xoogeystay warbaahinta Muqdisho, kadib markii safiirka Soomaaliya ee Kenya Maxamed Cali Ameericko xilka laga qaaday. Wararka qaar ayaa sheegaya in Ameeriko xilkaas laga qaaday si loogu dhiibo xilka gobolka Banaadir.

Siyaasiyiinta qaar ayaa iyagu aaminsan in xil ka qaadista lala damacsan yahay Mungaab ay gadaal ka riixayaan qaar kamid ah Siyaasiyiinta Dam-Jadiid, halka qaarna ay aaminsan yihiin inuu jiro Khilaaf kala dhexeeya Xasan Sheekh.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com