Maxaa amarkii gudoomiye Yariisowka dhaqan galay?

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir Eng C/raxmaan Yariisow, ayaa 18 Maalin ka hor amar kusoo rogay hoteelada ku yaala  xeebta Liido ee magaalada Muqdisho.

Amarkaasi ayaa ahaa inaan la arki karin goob ganacsi oo ku taala xeebta Liido oo furan waxii ka dambeeya Habeenka Saqda dhexe “12:00 PM”, iyadoo ujeedada uu ahaa in lala dagaalamo in dhaqamo xun kusoo kordhaan xeebta.

Xogta aan heleyno ayaa sheegaya in arinta ay ka dambeysay kadib la ogaaday in maandooriyaha Qamriga iyo Xashiishada ay ku bateen in lagu isticmaalo xeebta Liido, taasi oo amarada ka dambeysay, balse aysan jirin hoteelada in lagu sameeyo dhaqamada xun.

Ma jiro wax ka dhaqan galay amarka Yariisow, waxaana xiliyada dambe arki kareysaa hoteelada lagu qaxweeyo ee ku yaala xeebta Liido oo iska Furan, waxaana muuqata inaan waxba laga soo qaadin Amarka Yariisow.

Eng Yariisow ayaa horey ugu fashilmay amar uu kasoo saaray dhulka Darjiinooyinka, iyadoo markii dadka dhaqaalaha geliyay Darjiinooyinka Muqdisho markii ay u tageen madaxweynaha la ogaaday inaan amarka aan lala ogeyn Yariisow oo isaga Qorshe gaar ah uu ka lahaa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com