SOMALIA oo codsatay in ay ka mid noqoto URUR BARIGA AFRIKA ka dhisan

By Asad Cabdullahi Mataan

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa codsi rasmi ah u gudbisay Urur Goboleedka Ganacsiga ee Bariga Afrika oo ay dooneyso in ay xubin ka noqoto.

Danjiraha Soomaaliya ee Dalka Tanzania Mohamed H. Abdi , ayaa waxaa uu dalkaas kula kulmay Xoghayaha Guud ee Ururka Ganacsiga Bariga Afrika Liberat Mfumukeko.

Kulanka ayaa lagu soo bandhigay codsiga Soomaaliya ee ah ku biirista Ururka Ganacsiga ee ay ku wada jiraan inta badan Waddamada Bariga Afrika.

Liberat Mfumukeko, ayaa sheegay in dhamaadka Bishan Novermber ay khubarro qiimeyn ku sameeya xaaladda Soomaaliya ee xubin ka noqoshada ururkan iman doonaan Soomaaliya.

Xeerarka ururkan waxaa ka mid ah in dalka xubin ka noqonaya ay ka jirto dimuqraadiyad,dowlad Wanaag,u hoggaansanka sharciga, dhowridda xuquuqda aadanaha, iyo qodobo kale.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com