Wiil sharad yaab leh dartii webiga SHABELLE isugu tuuray, kuna geeriyooday

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in wiil dhalinyaro ah oo lagu magacaabo Maxamed Amiin Cali Xaaji uu ku geeriyooday Wabiga kadib Sharad “Isxujeysi” uu la galay wiil kale.

Dadka deegaanka ayaa inoo sheegay in labada wiil oo dhalinyaro ah ay Sharad ku galeen in dabaal ay uga gudbi doonaan dhinaca kale ee Wabiga, Ruuxii gudbi waayana uu weyn doono Mobeyl Smartphone ah.

Maxamed Amiin wuxuu deganaa Xaafadda Waaberi Irdoole ee degmada Balcad, waxaana uu ahaa 18 sano jir, sida dadka deegaanka ay sheegeen.

Maxamed Amiin ayaa ku geeriyooday Wadiga kadib markii Biyaha ay qaadeen, waxaana la waayay meydkiisa, walow la sheegay in markii dambe la helay.

Ciidamada amaanka degmada Balcad ayaa xabsiga dhigay wiilkii kale ee la tartamayay Maxamed Amiin, iyadoo dadweyne badan ay iskuugu soo baxeen goobta ay joogeen wiilasha dhalinyarada ah.

Waa dhacdadii ugu horeysay oo degmada Balcad ka dhacda Sanadkaan, Wabiga ayaa aad u buuxay, iyadoo xiliyadaasi oo kale ay jiraan halis kale oo wabiga ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com