28.7 C
Mogadishu
Wednesday, April 29, 2026

Maxaa dadka gobollada dhexe loo duudsiiyey saamiga dhaqaalaha Somalia?

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Ahlusunna Wal-jameeca ayaa dowlada Federaalka Somalia ku eedeeyay inay ka gaabisay dhammaan howlihii ay u heysay dadka ku nool gobolka dhexe ee dalka.

Maamulka ayaa sheegay in Ahlusuna ay qoondo ku leedahay dhaqaalaha ay dowlada Somalia ka hesho Beesha Caalamka, hayeeshee aanu jirin is xilqaamka dowlada.

Muxudiin Cali Jimcaale ”Jakuula” oo maamulka ugu magacaaban Madaxa Warfaafinta ayaa sheegay in dowlada Somalia ay si cad isaga indha tireyso xaqiijida ka jirta gobolka dhexe ee dalka.

Waxa uu sheegay inaanu jirin wax garab ah oo ay ka helaan dowlada, xili dadka ku nool gobolka dhexe ee dalka, ay yihiin kuwo la kulmaaya dhibaatooyin kala duwan.

Wuxuu sheegay shacabka gobolada dhexe in ay saameysay Abaaraha ku dhuftay dalka, kuwaasi oo hada ay daruufa kala duwan ku heystaan degaanada Ahlusunna ay maamusho.

Sidoo kale, Jakuula ayaa DFS iyo dhammaan Hay’adaha gar gaarka bixiya ugu baaqay in dib loo soo eego dadka shacabka ah ee ku nool deegaanada hoostaga gobolada dhexe.

Dowlada Somalia ayaa dhawaan ku fashilantay inay soo xiro galiso maamulka Ahlusuna ee gobolada dhexe si ay uga mid noqoto maamulka Galmudug.

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

 

- Advertisement -

Table of contents [hide]

Read more

Local News