Maxaa dhacaya haddii aysan DF wax ka qaban dilalka ka socda magaalada Muqdisho?

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho waxaa ka taagan xaalado murugo leh, kadib markii ay kusoo kordheen dhacdooyin saamey ku yeeshay bulshada.

Dilal argagax leh ayaa todobaadyadii lasoo dhaafay ka dhacayay caasimada, waxaana maydadka qaarkood ay illaa iyo hadda ku jiraan Firinjeer, ayada oo lala sugayo cadaaladda iyo in lasoo qabto dadkii ka dambeeyay falalkaas oo baxsad ka ah laamaha ammaanka.

Xildhibaan Maxamed Cali Cumar (Caana-nuug) oo ka hadlay falalkan argagaxa leh ayaa soo jeediyay labada arimood, wuxuu ugu baaqay ehellada dadka dhintay inay aastaan maydadka, waxaa kale oo uu farriin u diray dowladda federaalka oo uu ka codsaday inay cadaaladda ku dadaasho.

“Dadkan bisha iyo dheeraadka Firinjeerada ku jira waxaan leenahay hala aaso oo ilaahey halaga baqo, dadka dhibaatada gaystayana cadaaladda hala horgeeyo” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu xildhibaanku intaasi sii raaciyay “Waxaan haddii aysan mashruuc ahayn waa musiino rabbaani ah”.

Caana-nuug oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay haddii ay dhibaatooyinkan sii socdaan ay dhici karto in loo cadaalad doonto kooxda Al-Shabaab, sida uu hadalka u dhigay.

“Shacabka Soomaaliyeed marxalad waxaa jirtay inay cadaalad u raadsan jireen Tooratoorow, ma Tooratoorowdiibaa lagu jirayaa? laguma jiraayo” ayuu kusii daray.

Ugu dambeyn wuxuu baaq culus u diray hay’adaha amniga dowladda, isaga oo ka codsaday inay dabagal ku sameeyaan xaaladaha soo kordhay iyo cida ka dambeysa.

“Laamanaha waa inay waxaan dabagal ku sameeyaan, si aan amni iyo horumar u helno” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay.