Facebook Pinterest Twitter Youtube
  • About us
  • Privacy Policy
  • Contact Us
  • SO
  • EN
Logo
  • Home
  • English
  • Wararka
  • Caalamka
  • Ra’yiga
  • Xulka
  • Somaliland
  • Contact us
  • About us
  • Privacy Policy
Logo
0
  • Home
  • Wararka
  • Caalamka
  • Ra’yiga
  • Xulka
  • Somaliland
  • Contact us
Facebook
Instagram
Pinterest
Twitter
Youtube
25.1 C
Mogadishu
Friday, July 4, 2025
  • Privacy Policy
  • Contact Us
  • SO
  • EN
Logo
  • Home
  • Wararka
  • Caalamka
  • Ra’yiga
  • Xulka
  • Somaliland
  • Contact us
  • Home
  • Wararka
  • Caalamka
  • Ra’yiga
  • Xulka
  • Somaliland
  • Contact us
Wararka

Dudaaye oo shaaciyay arrinta ka dambeysa dilalka sii kordhaya ee Muqdisho

February 24, 2024
By Jamaal Maxamed
3 min.
Bookmark
Bookmarked
Share
Facebook
Twitter
Pinterest
WhatsApp
Linkedin
Email
Print
Viber

    Share

    Facebook
    Twitter
    Pinterest
    WhatsApp
    Linkedin
    Email
    Print
    Viber

      Muqdisho (Caasimada Online) – Sida aad ka war qabtaan, waxa sii badanaya dilalka ula-kaca ah ee ay geysanaayaan dadka rayidka ah, dadka rayidka ah waxan ula jeedaa qof kasto oo aan ka tirsaneyn ciidamada noocyadadooda kala duwan. Waxa aan filayaa in aad is weydiisay sababta ka danbeyso arintaas, sida aan aniguba isku weydiiyay.

      Marka aan isku dayay jawaabta su’aashaas, waxaa ii soo baxday in gaabiska Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka ee ku aadan fulinta xukunnada ay soo saaraan Maxkamadaha rayidka ah ee lagu rido eedeysanyaasha aan askarta ahayn ee ku kaco dilalka kaska ah, ay tahay sababta ugu weyn ee ka danbeyso kororka dilalkaas. Wali miyaad maqashay amaba aad aragtay danbiile rayid ah oo geystay dil kas ah ee la geeyay tiirka qisaasta si loogu fuliyo xukunkii lagu riday? Waan aragnaa dabiilayaal ka tirsan ciidamada qalabka sida oo la geeyay tiirka qisaasta si loogu filiyo xukunno ay ku riday Maxkamadda ciidamada qalabka sida. I xasuusi, hadii aan ilowsanahay, qof Maxkamad rayid ah ay ku xakuntay dil toogasho ah oo lagu fuliyay xukunkii lagu xakumay muqdisho dhexdeeda hadii aad adigu ogtahay ama aad maqashay.

      Sidaba mas’uuliyadda dhaqaajinta dacwadda loo haysto eedeysanaha geystay dilka ulakaca ah ay u saaran tahay XXIG ee qaranka, ayey mas’uuliyadda dhaqaajinta fulinta xukunka lagu rido eedeysanahaasi u saarantahay isla xafiiska. XXIG ayaa qaranka wakiil uga ah eedeynta eedeysanayaasha geystay dilalka bareerka ah, Isla xafiiska ayaana qaranka wakiil uga ah dhaqaajinta iyo weydiisashada fulinta xukunnada ka soo baxo dacwadahaasi uu dhaqaajiyay. Waan aragnaa XXIG ee Qaranka oo dhaqaajinaayo dacwad lidi ku ah eedeysane lagu tuhmaayo geysashada fal-danbiyeed, gaar ahaan dil kas ah, balse ma aragno Xafiiska oo weydiisanaaya fulinta xukunnada ka soo baxo dacwadi uu dhaqaajiyay, taasina waxa ay dhalisay in Maxkamadaha rayidka ah ay soo saaraan xukunno toogasho ah, laakin dadki lagu xakumay ay xabsiga dhexe ka buuxaan. Su’aasha aanan ka jawaabi karin ayaa ah: waa maxay sababta XXIG ee Qaranka uga gaabiyay mas’uuliyadaan ballaaran ee qaranku u wakiishay?

      Xeer-ilaalinta Guud ee Ciidamadda Qalabka Sida oo qaranka wakiil uga ah eedeynta askarta ka tirsan ciidamada ee geysta faldanbiyeedyada, waxa ay weydiisataa fulinta xukunnada ka soo baxo Maxkamadda ciidamada, waana laga ogolaadaa, dabadeedna waa la fuliyaa. Taasina waxa ay dhalisay hoos u dhaca danbiyada dilalka kaska ah ee ay geystaan ciidamada qalabka sida. Sidaas si la mid ah, waxa ay ahayd, in XXIG ee qaranka oo wakiil nooga ah eedeynta dadka rayidka ee geysta danbiyada dilalka ah, asaganu uu weydiisto fulinta xukunnada ay soo saaraan Maxkamadaha Rayidka, dabadeedna laga ogolaada, lana fuliyo, si ay hoos ugu dhacaan dilalka ay geysanayaan dadka rayidka ah.

      Waa sax in ay jiraan eedeysanayaal rayid ah oo geystay dil kas ah oo xafiisku dacwad ku oogay, laguna xakumay dil toogasho ah, hayeeshee, waa maxay xikmadda ku jirto in waqti iyo qarashba lagu bixiyo soo qabashada eedeysanaha, barista iyo ka gungaarista kiiskiisa, eedeyntiisa, maxkamadeyntiisa, iyo xukun ku rididiisa; dabadeedna, xabsiga dhexe ay buux dhaafiyaan xukumanayaal ku xakuman dil toogasho ah, taasina ay dhaliso kaliya in sanad walbo loo baahdo kordhinta miisaaniyada ciidamada asluubta, maadaama ay maxaabiistu sii kordheyso; sidaas oo kale, loo baahdo kordhinta miisaaniyada Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo la qaato Xeer-ilaaliyayaal cusub, maadaama ay sii badanaayaan eedeysanyaasha oo aynan jirin meel marinta ciqaab ay ku waaniso qaataan dadka qaloocan?

      Waxa ay ila tahay in uusan shaki kaaga jirin in fulinta qisaasta ay yareyneyso dilalka kaska ah, maxaa yeelay Quraanka ayaa na baraayo in ay isku xiran yihiin qisaasta iyo nolosha dadka oo hadii qisaas jirto ay badbaadeyso nolasha dadka, hadii aynan qisaas jirinna ay nolosha dadku dayacan tahay oo dadka dilaayaasha ah cidda ay doonaan ay dilaayaan marba hadii aanan loo qisaasi doonin.

      Ugu danbeyn, waxaan kula talinayaa XXIG ee Qaranka in uu ka soo dhalaalo mas’uuliyaadka muhiimka ah ee loo xilsaaray, madaxda qarankana waxaa la gudboon in ay kula xisaabtamaan mas’uuliyiinta Xafiiska Xeerilaalinta gudashada waajibaadka loo xilsaaray.

        W/Q 𝐐𝐚𝐫𝐞𝐞𝐧 𝐂𝐚𝐛𝐝𝐮𝐥𝐥𝐚𝐚𝐡𝐢 𝐌𝐚𝐜𝐚𝐥𝐢𝐧 𝐌𝐮𝐱𝐮𝐝𝐢𝐢𝐧 (𝐃𝐮𝐝𝐚𝐚𝐲𝐞)

      Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

      - Advertisement -
      QORAALKII HORE
      Carruurtii ugu badnayd oo looga dhuuntay isbitaallada magaalada Muqdisho (Daawo)
      QORAALKA XIGA
      Maxaa dhacaya haddii aysan DF wax ka qaban dilalka ka socda magaalada Muqdisho?
      Jamaal Maxamedhttp://caasimada.net

      Read more

      Wararka

      Daawo: Mucaaradka oo DF u gudbiyey codsigii Axmed Madoobe – Maxaa laga yiri?

      English

      Sheikh Mansour: Arming warlords, fueling atrocities

      Wararka

      Warbaahinta Jarmalka oo kiis culus ku eedeysay Kabtan Ayuub iyo Yacquub Siyaad

      Wararka

      Sawirro: Golaha Wasiirrada oo ansixiyey sagaal qof oo loo xushay guddi muhiim ah

      English

      Somali President, opposition talks hit deadlock

      Local News

      Wararka

      Daawo: Mucaaradka oo DF u gudbiyey codsigii Axmed Madoobe – Maxaa laga yiri?

      English

      Sheikh Mansour: Arming warlords, fueling atrocities

      Wararka

      Warbaahinta Jarmalka oo kiis culus ku eedeysay Kabtan Ayuub iyo Yacquub Siyaad

      Wararka

      Sawirro: Golaha Wasiirrada oo ansixiyey sagaal qof oo loo xushay guddi muhiim ah

      LogoTalk

      Caasimada Online is a reputable and reliable source of news and information on Somalia. As the largest Somali news site, we are dedicated to providing our readers with accurate and up-to-date coverage of the country's politics, society, and culture. Founded in 2009 by a Somali-American journalist, Caasimada Online is owned by Caasimada Media Group and headquartered in Mogadishu. In addition to keeping our readers informed, we strive to promote democracy in Somalia. If you have any questions or comments, please don't hesitate to contact us at [email protected]

      Important Links

      • Privacy Policy
      • Contact Us

      Trending

      Wararka

      Daawo: Mucaaradka oo DF u gudbiyey codsigii Axmed Madoobe – Maxaa laga yiri?

      English

      Sheikh Mansour: Arming warlords, fueling atrocities

      Wararka

      Warbaahinta Jarmalka oo kiis culus ku eedeysay Kabtan Ayuub iyo Yacquub Siyaad

      Social Media

      © Caasimada Online 2012 | All Rights Reserved

      Facebook
      Instagram
      TikTok
      Twitch
      Twitter
      WhatsApp