Carruurtii ugu badnayd oo looga dhuuntay isbitaallada magaalada Muqdisho (Daawo)

Muqdisho (Caasimada Online) – Xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee qaranka ayaa maanta warbixin kasoo saaray kiisaska la xiriirta xadgudubka loo gaysto carruurta Soomaaliyeed.

Yusra Cismaan Shariif oo ah ku xigeenka xafiiska xeer ilaaliyaha oo la hadashay warbaahinta ah ayaa shaaca ka qaaday inay sii kordhayaan dhibaatooyinka loo gaysto carruurta Soomaaliyeed, ayada oo soo bandhigtay tira koob ay sameeyeen sanadkii hore.

Ku xigeenka xeer ilaaliyaha ayaa sheegtay inay inay diiwaangeliyeen illaa 53 carruur ah oo qaarkood looga dhuuntay isbitaallada Muqdisho, kuwa kalena lasoo dhigay waddooyinka.

Carruurtaas 25 kamid ah ayaa ah gabdho, halka 28 kalena ay yihiin wiilal, sida ay warbixinteeda ku sheegtay Yusra Cismaan oo hadal kooban siisay warbaahinta.

“Sanadka 2023-kii waxaa jirtay in lasoo helay carruur 53 ah oo qaarkood isbitaallada looga tegay, qaarkood dad in loo dhiibay looga dhuuntay kuwa kalena waddooyinka laga soo helay” ayay tiri ku xigeenka xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee qaranka.

Sidoo kale waxa ay intaasi kusii dartay “Carruurtaas 25 kamid ah gabdho ayay ahaayeen, inta kalena wiilal ayay ahaayeen”.

Haweeneydan oo sii hadleysay ayaa xustay in carruurta ay ku wareejiyeen dad xanaaneeya, isla markaana ay iyagu ka xafiis ahaan ku kormeeraan saddex bil kasta.

“Mas’uuliyaddooda waxaa loo xil-saaray dad uu xafiiska si sharci ah ugu wareejiyay, waxaana gacan ka gaystay hay’adaha Booliska” ayau mar kale tiri.

Dhibaatooyinka ayaa kamid ah kuwa aan indhaha laga qabsan karin ee ka jira gudaha Soomaaliya, waana kuwa ugu daran xadgudubyada ay la kulmaan dhalaanka yar-yar.