Maxaa dhici kara haddii Deni iyo A/Madobe ka qeyb-geli waayaan shirka Afisyoone?

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida uu sheegay wasiirka warfaafinta xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee Soomaaliya Cismaan Abuukar Dubbe waxaa maanta Teendhada Afisyoone ka furmay shirka looga hadlayo khilaafka doorashada, kaas oo furitaankiisa aysan ka soo qeyb gelin madaxda Jubbaland iyo Puntland.

Haddaba maxaa dhici kara haddii madaxda Puntland iyo Jubaland ay ka baaqdaan shirka?

Su’aashaas iyo kuwo kaleba waxaa la hor dhigay Jibriil Cali Aw Maxamed oo wax ka dhiga Jaamacadda Ohio ee dalka Mareykanka oo ay wareysatay BBC.

“Haddii ay Saciid Deni iyo Axmed Madoobe ka baaqdaan shirkan waxaa dhici kara in ay doorashadu sii jiitanto, murankanina uu sii daba dheeraado,” ayuu yiri Prof. Jibriil Cali.

Isagoo sii halaayey ayuu yiri,”Maadaama ay madaxda Puntland iyo Jubaland dhagaha ka fureysteen baaqii madaxweyne Farmaajo, Beesha Caalamka ayaa hadda u heellan inay shirka soo fariisiso, heshiisna lagu gaaro in la hirgeliyo doorashadii lagu heshiiyay bishii September, 2020.”

Prof. Jibriil ayaa rajo ka muujiyey in khilaafka doorashada uu ugu dambeyn kusoo biyo shuban karo is afgarad dhinac walba ah.

“Waxaan rabaa inaan Umadda Soomaaliyeed u sheego dalkan Soomaaliya waxa hadda wadahadlaya waa siyaasiyiin dano ka wada murmaya, oo aan xabad iyo hub isu wadanin, arrintaasna waa guul, shacabka Soomaaliyeed-na ma dirirsana. Dowladana nagu xeeran markaad eegto, dhammaantood dhibaatadaas ayey wada qabaan, Itoobiya waad ogtahay in aysan doorashadii ka dhici, dalka Kenya isagana doorashadii ugu dambeysay intay maxkamaddu burburisay ayaa mar kale lagu celiyay,” ayuu yiri.

Waxa uu sheegay dhibkaan siyaasadeed iyo is qabqabsigaan uu ka jiro guud ahaan caalamka, gaar ahaan mandaqaddan ay Soomaaliya ku jirto ee Geeska Afrika.

Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ayaa horay walaac uga muujiyay ammaanka goobta uu shirku ka dhacayo, waxayna soo bandhigeen shuruudo hor leh, si ay ugu biraan shirkan u furmay madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada taabacsan.