Maxaa Dr. Cabdi Weli Gaas lagu xusuusan doonaa?!!

Qoraxda iyo Dayaxuba  waxey xisaabiyaan Sabanka iyo sanadaha,Habeenka iyo Maalinta ku dhaafeysaa waa Cimrigaaga aad aduunkan ku leedahay., Sidaas baa loo yiraahdaa wakhtigu waa waxa ugu qiimo badan ee uu qufku ilaaliyo,mar haduu ku seegana ma soo noqdo. Waxey aheyd Maalin Cabdiwali Maxamed Gaas aad ugu weyn xagiisa, waa maalintii ay ogolaatay in ay siiso gunno yar  IOM si uu  ula soo shaqeeyo Dowladii Cabdullahi yusuf. Iridaas uu ka soo galay Siyaasadda soomaaliyeed waxey dhaxal siisay in uu ku kaxeeyo Doon weyn oo aan shiraac la heyn Badweynta Hindiya.
Mahatma Gandhi  ayaa horey u yiri: *Qof aan mabda’a laheyn waa Doon aan shiraac laheyn*
Bartamihii sanadkii 2011 ayey  aheyd markii uu  Shaashadaha Caalamka si fiican ugu soo wada muuqday Dr. Gaas ,Dadka soomaaliyeed oo ah dadka aduunka ugu caadifada badan, marka laga hadlayo Qabiilka  waxey durba hawada isu mariyeen in uu yahay ninkii dhameystiri lahaa Mashruucii balaarnaa ee aan Maayiinta Doolar la siisan, ee ay u dhinteen dad Soomaaliyeed kaas oo uu hogaanka u hayey Maxmed Cabdullahi Farmaanjo,markuu ahaa  Rasisulwaraaraha.
Hadaba maxaa dhacay?
Balan kabixii Dr.Gaas !!  ma aheyn oo kaliye in uu dantiisa gaarka ah  wato, balse wuxuu baabi’iyey Mashruucii  macnaha ku fadhiyey oo ay dad badan oo soomaali ah u riyaaqeen kaas oo soo bilowday  bishii 10aad ee sanadkii 2010 ilaa bishii lixaad ee sanadkii  2011, Mashruucaas oo ay dadka wax garadka ah ugu magacdareen *Rajo *,waxaa ku tuntay nin ay u cadahay haasaawaha hoteelada  5 starka Adiss ababa, Kenya,iyo waliba Dubai, waxaana u sahlay sacabkii ay u garaacayeen hogaamiyaashii  aan isaga waxba dhaamin iyo shacabkii marinhaabsanaa oo la diigaalodhacayey noloshii ay gacmahooda ku kasbadeen.
Aduunkan aan ku noolnahay waxa ugu qiimo badan uu qofku raadiyo waa MAGAC WANAAGSAN .ee ma aha dhaqaalo badan oo aad hesho,sumcadda iyo qiimeynta dadka ayaa halbeeg u ah  hadba sida  laguu soo dhaweeyo ama dadku ay kuu dhageystaan.Aqoonsiga aad rabto ee  kuu furayo albaabada ,ma aha oo kaliye in aad  malaayiin Doolar acounadda ay kuugu jiraan balse waa Hanashada  qalbiyada baniaadamka iyo maskaxdooda, (Heart and Mind), Hogaamiyaha dhabta ahna waa kaas ku guuleysta hanashada qalbiyada.
Karogoo Laba saar, Bishii koowaad ee sanadkii 2014 waxaa marlabaad shaahadaha ka soo muuqday Dr. Gaas oo ah madaxweynaha Maalmulka Puntuland, waa cajiib ! Puntuland oo la daalaadhaceysay daryeela’aan uu baday Faroole oo aan laheyn siyaasad xasiloon,horumar,kafaaiideysi khayraad iyo hoos u eegid danta guud ,ayaa waxaa Faraskii  fuulay nin ku labo jibaarmay intii hore ee jirtay in le’eg ama ka badan.
Wuxuu sameeyey Boqolaal  fly  oo mid wax soo kordhiyeyna uu san  jirin, wuxuu baray shacabka reer puntuland wuxuu baday baa ka daran.inta uu xununka hayey waxaa Puntuland  gacanteeda ka baxay dhul aad muhuum u ahaa oo aanan soo noqon doonin,waxaa dhacay sicir barar ilaa dadku ay gaaraan in ay hal xabo  oo  Qaro ah ku iibsadaan 17$,aydoo Ramadaan ah,.shaqo la’aan ,Biyo la’aan baahsan,Hantidii umadda laheyd in sidii doono loogu tagrifalo.Waxaan Marnaba la iloowi karin dhacdadii xanuunka badneyd ,ee Doorashadii 2017 ka dhaceysay Muqdishu, oo uu 4 Milyan oo Dolar ku qarashgareeyey, ayadoo Abaar ba’an ay Puntuland hayso dadkuna ay la’yihiin waxey cunaan.
Heshiiskii aan laga fiirsan ee shilimaadka laga qaatay,  DP WORLD ,Waxaa ku jiray qodob aad loola yaabay,oo ku tusinayo xaqiiqda dhabta ah ee Dr.Gaas,taas oo ah:
**-Dalab Daganaansho  Emaatka carabta ah Dubai iyo in hantida uu wato uu dhigan karo Bangiyada dubai,         (perminent resident),isaga iyo qoyskiisa**. Cajaa’ib  !!! Aaway umaddii gobta aheyd ee reer Puntuland .
Cilmigu waa Furaha Aduunka ,waana midka ku dhaxalsiiyo ,qadarinta iyo qiimaha aad bulshada dhexdeeda ku yeedahay waase  hadii  uu aqligu shaqeeyo. Ma’aha cilmigu mid lagu faano oo kaliya, mana ahan mid kugu abuuro isla weyni iyo is cajabin, aan dadku kuu arkin.Oday hore  ayaa yiri*Sidaad isu haysato ma’ahane waa sida ay dadku kuu haystaan*
Puntuland waa dhul ilaahay ku maneystay kheyraad aan la soo koobi karin ,Ma’aha oo kaliya kheyraadkiisa badda iyo beeraha balse wuxuu lee yahay  kaydka ugu balaaran  ee shidaal geeska Afrika,waxaa laga helaa macdan fara badan oo aad qaali uga ah dunidan, Xeebta Garacad waxaa laga helaa Argoosatada ugu qaalisan Aduunkan oo aan laga helin caalamka intiisa kale, waxey leedahay Meelo badan oo dalxiiska ku haboon, waxey wada kulmisaa labada badood oo kala ah  Indian Ocian iyo badda Cas.waa meel istaataji ah, shacabkeedu waa dad dowladnimda jecel , yaqaano qiimaha ay lee dahay Nabadda.waana dad is maqla oo leh marjic ay u noqdaan, mana gayaan in ay ilaa hadda la’yihiin qof  daacad ah oo u  hagar baxa kuna soo dabaalo barwaaqada ay dhex jiifaan oo ay ka faa’iideysi la ‘yihiin.
Dad badan oo reer puntuland,  waxey dareemayaan in ay ku jiraan Gudcur madow ,ayagoo tirinayo   saacadaha u dhiman, qaarkood waxey uga badan tahay, Minid walba  ee dhaafa sanado, .Mar uun na dhaaf, Wixii aad geysataa adiga ayey kugu soo noqonayaane, ayey dhamaantood hoos u lee yihiin (What is goe’s round Come’s round)
Gabagabdii, wiil baa aabihiis weydiiyey su’aashan oo ah:Aabo Goormeen dhimanayaa? Aabihii baa ugu jawaabay
Aabo—hee–   TIME WILL TELL.
W/Q: Bashir Hassan Farah
bashkaxaji@hotmail.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid