Qalalaasaha ka dhalan kara kulankii 3 geesoodka ee Ethiopia, Somalia & Eritrea

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxda dalalka Soomaaliya, Ethiopia iyo Eritrea ayaa markaan yeeshay xiriir wanaagsan, waxii ka dambeeyay isbadalkii ka dhashay geeska Africa oo Ethiopia ay hormuudka u aheyd.

Masuuliyiinta seddexdaasi wadan ayaa kulamo looga hadlayo wanaajinta xiriirka ka dhaxeeya ku yeeshay dalalka Ethiopia, Eritrea iyo Soomaaliya oo wasiiro ay ka yimaadeen dalalkaasi.

In madaxda Jabuuti ay ka maqnaadaan Shirirkaasi ayaa noqon karta Caqabad dowladda Soomaaliya ay kala kulanto heshiisyada qaar ee dhexmaraya madaxda Eritrea, Somalia iyo Ethiopia, maadaama Jabuuti xurguf ay kala dhaxeyso Eritrea.

Jabuuti ayaa walaal koowaad ka dhiganeyso Dowladda Soomaaliya, waxaana horey ay kaga carootay Soomaaliya, ka hor inta aan dhedhexaadinta laga dhex bilaabin Eritrea iyo dowladda Jabuuti.

Dadka Falanqeeya Siyaasadda Geeska Africa ayaa sheegaya in qalalaaso uu ka dhalan karo kulamada madaxda Seddex dal ay leeyihiin kuwaasi oo isdaba joog noqday, waxaana ka maqan dalal badan oo Bariga Africa ku yaala.

Qorshaha ugu weyn ayaa ah in seddexda dowladood ay dadaal ugu jiraan in cunaqabateynta Hubka laga qaado Eritrea, waxayna taasi sii fogeyn kartaa dowladda Jabuuti oo muddo 10 sano dagaal kula jirtay Eritrea oo xuduud dhuleed ay isku heystaan.

Ka maqnaanshaha dalalka Saaxiibada la ah seddexda dowladood ee shirarkooda ayaa noqon karta inay go’aano kale qaataan masuuliyiinta dalalka IGAD ay kawada tirsan yihiin seddexda dowladood.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com