Maxaa fashiliyay shirkii R/W Rooble iyo Musharaxiinta?

Waxaa natiijo la’aan ku soo idlaan kulan ay xalay fiidkii illaa xilli dambe ay huteelka Décalé ee magaalada Muqdisho ku lahaayeen ra’iisal wasaaraha Soomaaliya iyo xubno ka tirsan siyaasiyiinta mucaaradka ah.

Kulanka oo si weyn isha loogu hayay ayaa waxaa la filayay in dhinacyada ay ku heshiiyaan qodobo ku aaddan doorashada, si dhinacyada ay khuseyso ay u saxiixaan is-afgaradkii Baydhabo lagu gaaray bartamihii bishii hore.

Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, oo kulanka ka dib qoraal kooban soo dhigay bartiisa Facebook ayaa sheegay in shirka uu u fashilmay arin uusan go’aankeeda lahayn.

“Shirkii aan la qaatay Midowga Musharaxiinta, waxaan sameynay tanaasul badan. Qodobbadii aan ka hadalnay waan isku raacnay marka laga reebo qodob ay ku adkeysteen oo ah in laga qeyb galiyo shirka Madasha Dowladda Federaalka, Dowlad-goboleedyada iyo Gobolka Banaadir, taas oo la macne ah in dib loo furfuro heshiiskii 17-kii September 2020, oo aanan kaligey xaq u lahayn wax ka baddelkiisa,” ayuu sheegay ra’iisal wasaaraha.

Waxa uu sheegay in weli uu diyaar u yahay inuu la farsiito mucaaradka si looga heshiiyo doorashada.

“Wali Albaabadeydu way u furan yihiin wada hadal iyo is-qancin, si aan xal kama dambeys ah u gaarno dalkana uga hirgalinno doorasho hufan oo si nabad ah ku dhacda”.

DOODDA MUCAARADKA:

Midowga murashaxiinta mucaaradka dhankooda fashilka kulanka ku eedeeyay ra’iisal wasaare Rooble.

Cabdiraxmaan Cabdishakur oo warbaahinta la hadlay kulanka kadib ayaa ka warramay waxyaabaha ay la shir tageen.

“Midowga waxa uu soo jeediyay qodobo wax ku ool ah oo ay tahay in la xalliyo, ayna kamid yihiin amniga doorashooyinka, saaxadda siyaasadda in la furo, mandate-ka madaxweynaha xilkiisu dhammaaday waxa laga yeelayo iyo arimaha la xiriira kaalinta midowga uu ku yeelanayo wadahadallada doorashooyinka la xiriira ee shirarka loo madlan yahay,” ayuu yiri Cabdiraxmaan.

Waxa uu ku eedeeyay ra’iisal wasaaraha in go’aanka uu ka sugayay cid ka baxsan kulankaas, oo uu ula jeeday Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

“Waxaan isku daynay xalka kasta oo suuragal ah inaan gaarno. Nasiib darro taasi se laguma guulaysan. Dedaal kasta iyo tanaasul kasta oo uu midowga bixiyay bedalkeeda ma aanan arag. Qoraal kasta iyo is-afgarad kasta oo aan gaarno waxay ahayd in laga soo ansixiyo meel shirka ka baxsan. Ciddii farriin qoraalka soo direysay ayaa diiday in horay loo socdo,” ayuu hadalkiisa raaciyay.

KULANKII MADASHA QARAN:

Heshiis laga gaaro kulanka xalay ayaa fududeyn lahaa in madaxda federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada ay Muqdisho ku saxiixaan is-afgaradkii Baydhabo, sida ay qabaan dadka ka faallooda siyaasadda Soomaaliya.

Madaxda maamullada Puntland iyo Jubaland oo ka baaqday kulan uu ku baaqay Madaxweyne Farmaajo in 4-tii bishan, ayaa shuruuda ay ku xireen shirka waxaa kamid ahayd in fursad la siiyo wadahallada u dhexeeya ra’iisal wasaaraha iyo mucaaradka.

Maadaama hadda uu guuldaraystay kulankaas, ma cadda tallaabada xigta ee ay qaadi doonaan maamullada Garowe iyo Kismaayo.

BEESHA CAALAMKA:

Beesha Caalamka ayaa marar badan sheegtay in xal u helidda xiisada ka taagan siyaasadda Soomaaliya ay ku jirto dhameystirka heshiiskii ay madaxda dalka gaareen 17-kii September 2020 ee lagu faahfaahiyay hannaanka doorashada.

Khilaaf ka dhashay qodobo kamid ah heshiiskaas ayaa horseeday in kulan ay madaxda Federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada ku yeesheen Dhuusamareeb horraantii sanadkan uu ku soo idlaado natiijo la’aan.

Hogaamiyayaashaas ayaa kadib guddi farsamo oo ka kooban 14 xubnood u diray magaalada Baydhabo, waxaana guddigu shaaciyay in laga heshiiyay dhammaan qodobadii la isku hayay.

Kulan ay madaxtooyada Soomaaliya ku baaqday in madaxda maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadiir ay Muqdisho isugu tagaan si dhinacyada ay ku kala saxiixdaan heshiiska ay gaareen guddiga farsamada, ayaa saddex goor qabsoomi waayay.

Mudada xil-heynta madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo afar sano ahayd ayaa ku ekeyd 8-dii February. Mucaaradku waxay sheegeen inaysan madaxweynaha aqoonsaneyn. Dowladdu se waxay sheegtay in madaxweynahu xilka heyn doono ilaa inta laga dooranayo maamul cusub. Ma jiro waqti la og yahay oo ay doorashadu dhici doonto.

ISHA: BBC SOMALI