Mucaaradka oo diyaariyay 2 arrin oo lagu soo bandhigi doono banaan-baxa berri 

Muqdisho (Caasimada Online) – Abaabulkii ugu dambeeyay ayaa ka socda magaalada Muqdisho, kaasi oo ku aadan banaanbaxa looga soo horjeedo Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Banaan-baxaan ayaa la filayaa in uu dhaco maalinta Sabtida ah oo ay Taariikhdu ku beegan tahay 6-da Bisha Maarso. Sida la filayo, waxaa ka qeyb geli doono madaxdii hore ee dalka iyo xubno ka mid ah mucaaradka, iyadoo ay abaabulka ay qeyb ka yihiin xubno ka mid ah dowaldda Soomaaliya oo ka tirsan guddiga loo xil saaray. 

Warar ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in mucaaradku ay diyaariyeen gaadiid lagu xiray sameecado waa weyn, kuwaas oo taga taallada Daljirka Dahsoon halka qaar kalane ay wareegi doonaan xaafadaha Muqdisho. 

Sameecadaha ku xiran gaadiidka ayaa la filayaa in laga daaro heeso iyo codad la duubay oo looga soo horjeedo Madaxweyne Farmaajo, kuwaas oo waji kale u yeeli kara banaan-baxaan oo ay abaabulkiisa qeyb ka tahay xukuumadda Soomaaliya. 

Sidoo kale mucaaradka ayaa diyaariyay kaamiriyooyinka ku xiran diyaaradaha drone-ka ee dusha sare wax ku duuba kuwaas oo loo yaqaano Drone Camera. Kaamirooyinkaan ayaa laga damacsan-yahay inay oogada sare ka duubaan banaanbaxayaasha oo la filayo in ay noqdaan kuwii ugu badnaa ee isugu baxa Muqdisho. 

Aad ayaa loo hadal haayaa banaanbaxa la filayo ee mucaaradka waxaana jiro daruufo badan oo ku geedaaman, kuwaas oo ay qeyb ka yihiin magaalada oo ay suurtagal tahay in la xiro.