Rooble oo ka hadlay fashilka ku yimid shirkii mucaaradka, si dadban-na u weeraray

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha xilka sii-haya ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka hadlay fashilkii ku yimid shirkii saddexaad ee uu xalay la yeeshay xubnaha Midowga Musharaxiinta mucaaradka.

Rooble ayaa sheegay in is-faham laga sameeyey qodobadii laga wada hadlay, laakiin mid ka mid ah dalabaadka midowga murashaxiinta aanu la jaanqaadi karin hanaanka geeddi-socodka doorashooyinka dalka.

Rooble ayaa xusay in murashaxiintu ay codsadeen inay qayb ka noqdaan wadahadalada doorashooyinka dalka, taasina aanu keligii go’aan ka gaari karin, iyadoo qodobkaasi uu caqabad noqday oo laga gudbi waayey, sida uu sheegay.

Ra’iisul Wasaaraha xilka sii-haya ayaa caddeeyey in xukuumaddiisu “ay dhiirigelinayso wada-hadalada oo ay albaabadu u furan yihiin cid walba, laakiin loo baahan yahay in la muujiyo daacadnimo iyo tanaasul, islamarkaana aan la abuurin caqabado hor leh iyo khilaaf aan muhiimad iyo micno weyn lahayn.”

Waxa uu intaas ku daray in ay ka go’an tahay in la sii wado wadahdalada la xiriira doorashooyinka, iyadoo lagu salaynayo heshiisyadii hore loo gaaray.

Rooble ayaa sheegay in loo baahan yahay in mudnaan la siiyo danaha qaranka, isla markaana ay dhinacyada siyaasaddu la yimaadaan daacadnimo iyo tanaasul ka tarjumaya waaqca dalku marayo.

Dhinaca kale, Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo Warsame oo ku hadlay magaca Midowga Musharixiinta ayaa sheegay in Ra’isul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu awood waayey inuu go’aan gaaro, islamarkaasna uu mar kasta la tashanayey xubno uusan magacaabin oo shirka ka baxsanaa.

“Rooble caawa oo dhan fariimo ayaa loo soo dirayay, shirkii caawana waxaa fashiliyay dadka fariimaha soo dirayay,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakur Warsame.

Cabdiraxmaan ayaa Ra’iisul wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ku eedeyey inuu garan waayey sidii uu isticmaali lahaa awoodda uu Dastuurka siinayo, sida uu hadalka u dhigay.