Shirkii Rooble iyo Midowga Musharaxiinta oo fashilmay – Maxay ka yiraahdeen Wasiir Xundubey iyo CC Shakuur?

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa fashil kuso dhamaaday Shir u dhaxeeyey Ra’iisul wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble iyo Golaha Midowga Musharaxiinta kaasoo xalay ka furmay Hotelka Decale ee magaalada Muqdisho.

Arrintan ugu weyn ee la isku fahmi waayey ayaa ah in musharaxiinta laga qeyb-galiyo wada-hadallada ku saabsan doorashada dalka ee u dhaxeeya madaxda dowladda federaalka iyo madax goboleedyada, taasi oo Rooble uu diiday.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo Warsame oo ku hadlayey magaca Midowga Musharixiinta ayaa sheegay in Ra’isul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu awood waayey inuu go’aan gaaro, islamarkaasna uu mar kasta la tashanayey xubno uusan magacaabin oo shirka ka baxsanaa.

“Rooble caawa oo dhan fariimo ayaa loo soo dirayay, shirkii caawana waxaa fashiliyay dadka fariimaha soo dirayay,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakur Warsame.

Cabdiraxmaan ayaa Ra’iisul wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ku eedeyey inuu garan waayey sidii uu isticmaali lahaa awoodda uu Dastuurka siinayo, sida uu hadalka u dhigay.

Xildhibaan Mahad Salaad oo ka tirsan xubnaha midowhga Musharsixiinta ayaa isna Facebook kusoo qoray qoraalkaan:

“Cashar cusub ayaan caawa siyaasadda Soomaaliya ka bartay. Ra’iisul Wasaare fariin meel fog laga soo diray lagu hagayo oo HAA iyo MAYA midna aan ku dhihi karin! NIN ADUUNYO JOOGOW MAXAA ARAGTI KUU LAABAN.”

Dhinaca kale, Shir jaraa’id oo wasiirka amniga Xasan Xundubeey uu qabtay kadib fadhigii labada dhinac ee lagu kala tegay ayaa sheegay in wada hadalladii Murashaxiinta iyo xukuumadda xil gaarsiinta ay qaataan waqti dheer oo 7 saacadood ah, balse aan lagu guuleysan in wax natiijo ah kasoo baxaan, maadaamma mucaaradku dalbadeen in laga qeyb-geliyo shirka golaha wadatashiga ee dowlad goboleedyada iyo madaxda dowladda dhexe ee mudo xileedka ka dhamaaday.

Wasiir Xundubeey ayaa sheegay in arrintaasi ay tahay mid aan horay u dhicin oo go’aan ahaanna aysan xukuumaddu lahayn, arrintaasina aysan mas’uuliyad ka aheyn xukuumadda ee uu yahay mid u yaal dowlad goboleedyada.

Xundubeey ayaa sheegay in wada-hadalada mucaaradka iyo xukuumada xil-gaarsiinta aysan macnaheeda aheyn inuu xirmay ee ay sii wadayaan si wareegyada kale xal loogu gaaro dadaallada uu hoggaaminayo Rooble.