DF oo guddi u magacowday abaaraha gobolka GEDO

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiiro ka tirsan xukuumadda xil-gaarsiinta ayaa shir jaraa’id oo deg deg ah goordhoweyd ku qabtay magaalada Muqdisho, kaasi oo ay ku shaaciyeen guddi cusub oo qeyb ka noqonaya samato bixinta abaaraha dalka.

Shirka jaraa’id ayaa looga hadlay xaalada Abaaraha iyo biyo la’aanta, gaar ahaan meelaha ay xaaladaha bini-aadantinimo ka taagan yihiin hada, gaar ahaan xaalada abaaraha ee gobolka Gedo.

Wasiirka Maaliyada Soomaaliya, C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in dowlada uu muddo xileedkeedu dhamaaday ay sameyn doonto gurmadkii ugu horeeyay ee wax looga qabanayo xaalada adag ee ay wajahayaan shacabka.

Guddiga cusub ee loo xil-saaray abaaraha ayaa waxay ka kooban yihiin Wasiiro iyo ku-xigeeno ka tirsan xukuumadda xil-gaarsiinta, waxaana hogaaminaya Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda, Cabdiraxmaan Ducaale Beyle.

1. Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda = Guddoomiye
2. Wasiirka Gargaarka iyo Maaraynta Masiibooyinka = Xubin
3. Wasiirka Wasaarada Qorsheynta = Xubin
4. Wasiirka Wasaarada Warfaafinta = Xubin
5. Wasiirka Wasaarada Shaqada iyo arrimaha bulshada = Xubin
6. Wasiirka Wasaarada tamarta iyo kheyraadka Biyaha = Xubin
7. Wasiir ku-xigeenka Wasaarada tamarata iyo kheyraadka Biyaha = Xubin

Sanadkaan ayaa waxaa dalka saameyn xoogan ku yeeshay biyo la’aan iyo abaaro meelo kamid ah dalka ka jira, kuwaasi oo ay guddigan cusub ka shaqeyn doonaan sidii gurmad loo gaarsiin lahaa bulshada xaalada adag wajahaya.