Shabaab oo weerar culus ku qaaday xabsiga Boosaaso, sheegtay inay daayeen 400

Boosaaso (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qaraxyo iyo weerar culus oo xalay lagu qaaday xabsiga weyn ee magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Weerarka oo ay fuliyeen dagaal-yahanada Al-Shabaab ayaa ku bilowday qaraxyo lala beegsaday albaabka laga galo  xabsiga, waxaana intaasi ka dib dagaal toos ah uu dhexmaray ciidanka ilaalada xabsiga iyo sidoo kale kooxdii weerarka soo qaaday.

Taliyaha Qaybta Booliiska Gobolka Bari G/sare Xuseen Cali Maxamuud, oo shir jaraa’id ku qabtay gudaha xabsiga weyn ee Boosaaso, ayaa sheegay in dableydii xalay soo weerartay xabsiga ay Ciidamadu cagta mariyeen, islamarkaana ay carareen sida uu hadalka u dhigay.

G/sare Xuseen Cali Maxamuud, ayaa sheegay in Laamaha Amniga Gobolka Bari ay ku guulaysteen soo af-jaridda hawlgalka, balse ay jiraan dad xabsiga ka baxsaday, kuwaas oo qaarkood dib loo soo qabtay.

Khasaaraha weerarka ayuu ku sheegay hal askari oo dhimasho ah iyo laba dhaawac ah, isagoo xusay in ay dib ka faahfaahin doonaan wixi ka soo kordha khasaaraha dagaalkaas.

Dhinaca kale, war kasoo baxay Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in “howlgal guuleystay” uu ka dhacay xabsiga islamarkaana ay kusoo daayeen dad ka badan 400 oo qof, sida ay sheegeen. Dadka lasoo daayey ayay Al-Shabaab ku sheegeen inay ku jiraan xubno ayaga ka tirsan.

Waxay sidoo kale sheegeen in dadka lagasii daayay xabsiga Boosaaso ay ku jiraan “dad shacab ah kuwaas oo si gardarra ah ugu xirnaa xabsiga.”