Su’aalo ka dhashay kulan uu Cali Guudlaawe kaga qeyb-galay xafiiska R/W Rooble

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa 24-kii saac ee la soo dhaafay waxaa baraha bulshada aad loogu hadal hayaa sawirka Madaxweynaha HirShabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe, oo lagu dhax arkay shir uu Arbacadii Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya la qaatay madaxda Bankiyada dalka.

In badan oo kamid ah shacabka iyo dadka falanqeeya Arrimaha siyaasada ayaa is weydiiyay waxa uu Madaxweyne Cali Guudlaawe kulankaas ka doonay maadaama uu ahaa mid u dhaxeeyay Rooble iyo maamulayaasha Bankiyada dalka. 

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo laga baahiyay sawirrada iyo Madaxtooyada HirShabeelle labaduba kama aysan hadlin sawirka hadal heynta dhaliyay oo ilaa hadda wax laga qorayo.

Caasimada Online ayaa ogaatay in saddex dhibaato ay heysato Madaxweyne Cali Guudlaawe, kuwaas oo aan haddii aan hada la xalin keeni kara fadeexado waa weyn oo uu la kulmo Guudlaawe, waxaana dhibaatooyinkaas kamid ah: 

1 – Madaxweyne Cali Guudlaawe ma haysto wax la taliyaal wanaagsan ah, oo eega tallaabo kasta oo uu qaadayo kahor inta aanu ku dhaqaaqin, waana mid kamid ah dhibaatooyinka ugu waa weyn ee uu wajahayo.

2- Madaxweynaha sidoo kale ma haysto shaqaale Baratakool oo wanaagsan oo kala shaqeeya howlaha muhiimka ah oo ay kooxdaas qabato waxaana dhowr jeer la arkay isagoo sameynaya talaabooyin aan wanaagsan, kuwaas oo ay aheyd in ay qabtaan kooxda Baratakoolka. 

3- Cali Guudlaawe waxaa ku geedaaman koox dhalinyaro ah oo aan laheyn khibrad siyaasadeed iyo mid maamul, waxaana arintaas ay sababtay in siyaasiin iyo dad kalaba colaad u qaadaan Madaxweynaha oo aan shaqo ku laheyn waxyaabaha qaar. 

Cali Cabdullaahi Xuseen oo haysta fursad uu ku hogaamiyo maamulka HirShabeelle oo ah shan sano ayaa u muuqda mid beer dareynaya fursadaas, isaga oo inta badan waqtigiisa ku qaato Muqdisho.

Sidoo kale Al-Shabaab ayaa billaabay in ay go’doomiyaan degmooyin kamid ah gobalka Shabeellada Dhexe oo markii hore ka nabdoonaa waxaana degmooyinkaas ka mid ah Jowhar iyo degaanka Afarta Tuulo oo ka tirsan degmada Mahadaay.