Joe Biden oo AFRICOM kusoo rogay amar si weyn u saameynaya Soomaaliya

Washington (Caasimada Online) – Sida uu baahiyey Wargeyska New York Times Militeriga iyo Hey’adda Sirdoonka ee dalka Mareykanka ayaa lagu war-geliyey in aysan Soomaaliya ka fulin karin howlgal dhanka cirka ah ama mid kumaandoos ah, ayagoo aan ogolaanshiyo ka haysan Aqalka Cad.

Madaxweynaha cusub ee Mareykanka Joe Biden ayaa lagu sheegay warbintan in amarkaas uu si hoose u bixiyey, isla markaana u jeedka laga leeyahay uu yahay yareynta waxyeelada soo gaarta dadka rayidka ah ee ku nool goobaha lagu tuhmayo ama lagu beegsanayo kooxaha xagjirka ah ee Al-Shabaab iyo Daacish.

New York Times oo soo xiganeysa mas’uuliyiin magacyadooda saxaafadda ka gaabsaday ayaa warbintan ku xustay in maamulka madaxweyne Joe Biden uu doonayo in si dhab ah loo hubiyo cidda lala beegsanayo howlgalka ay fulinayaan ciidamadiisu, waxaana waajib looga dhigay howlgalayaasha in Aqalka Cad ay lasoo wadaagaan caddeymo muuqaal iyo faahfaahino qoraal ah, inta aysan howlgal fulin.

Tallaabadan ayaa u muuqata mid bilow u ah dib u qaabeyn uu maamulka Joe Biden ku sameynayo shuruucdii uu ku shaqeynayey mamulkii ka horeeyey ee madaxweyne Donald Trump, kuwaas oo ciidamada Mareykanka u ogolaanayey inay u madax-banaan yihiin halka ay ku beegsanayaan howlgalka ay ka wadaan gudaha Soomaaliya.

Nidaamkii Madaxweyne Trump ayaa duqeymaha dhanka cirka ah gaar ahaan aagagga ka baxsan colaadaha waxuu ku dabaqay siyaasad nuxurkeedu yahay dil ama qabasho, isagoo si gaar ah Soomaaliya ugu shaabadeeyay inay tahay ‘aag colaadeed’.

Afartii sano ee lasoo dhaafay oo ah intii uu xukunka joogay madaxweyne Trump 276 howlgal oo isugu jiray cirka iyo dhulka ayey ciidamada Mareykanku ka fuliyeen Soomaaliya, sida lagu shaaciyey warbixin la baahiyey todobaadkii hore.