Maxaa iska badalay Go’aankii Xawaadle & Beelaha Hiiraan

Muqdisho (Caasimada Online)-Waxgaradka kasoo jeeda gobolka Hiiraan oo warbaahinta la hadlay ayaa wali ku dhagan mowqifkoodii hore oo ay ku diideen ka qeyb galka shirka maamulka loogu sameynayo Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Odayaasha dhaqanka ee kasoo jeeda beesha Xawaadle ayaa si cad u sheegay in wali aysan badalin go’aankii ay ku diideen shirka Jowhar, waxaana ay sheegeen in marnaba shirka aysan ka qeyb galeynin ilaa ay ka arkaan waxay ku qanacsan yihiin.

Nabadoon Dacar Xersi ayaa sheegay in IGAD ay masuul ka noqoneyso wax alle waxii ka dhasha dib u furida shirka maamulka loogu sameynayo labada gobol ee deriska ah.

Nabadoon Dacar, wuxuu sheegay in kulamo kala duwan ay la qaateen madaxda ugu sareyso dowlada Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay, balse aysan helin wax ay ku qancaan, maadaama ay doonayeen in xarunta maamulka laga dhigaa Beledweyne shirkana halkaasi lagu qabtaa.

Sidoo kale waxyaabaha ay doonayeen waxaa kamid ah dhaqaalaha badan ee loogu talo galay shirkaasi iney qeybtooda ka helaan.

DOwlada Soomaaliya iyo IGAD ayaa maalmo ka hor si cad u sheegay in mar kale aysan aqbali doonin in la carqaladeeyaa shirka maamulka loogu sameynayo Hiiraan iyo Shabeelaha DHexe.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com