Madaxweyne Xasan oo mugdiga ka saaray arrin cabsi laga qabay

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Somalia Xassan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay cabsida laga qabo in qaabab khaldan loo maareeyo xulista Xildhibaanada labada Aqal ee BFS.

Madaxweyne Xassan waxa uu sheegay in Xildhibaanada lagu soo xuli doono qaabab siman, isla markaana aysan dhici doonin wax la xiriira isdabamarin.

Waxa uu sheegay in dowladu ay kalsooni ku qabta Guddiyada loo xilsaaray arrinta xulista, sidaa darteedna ay rajeynayaan in qaabab wanaagsan loo hirgaliyo xulista Xildhibaanada labada Aqal.

Waxa uu meesha ka saaray inay dhicikarto in leysdib mariyo tirooyinka waxa uuna cadeeyay in rajadu ay tahay in guul laga gaaro qaabka xulista.

Xassan waxa uu dhinacyada ay khuseeyaan xulista Xildhibaanada ugu baaqay in si hufan ay u gutaan waajibkooda.

Sidoo kale, waxa uu ka digay in laga dib mariyo xiliga loogu tallo galay in lagu dhiso Baarlamaanada cusub.

Haddalka Xassan Sheekh ayaa kusoo beegmaaya xili inta badan dadka ay walaac gaar ah ka muujinayaan qaabka loo xulaayo Xildhibaanada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com