Xasan Sheekh oo marmarsiyo u sameeyay wadooyinka Muqdisho ee xiran

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Somalia Xassan Sheekh Maxamuud, ayaa markii ugu horeysay ka hadlay wadooyinka halboolaha ah ee ku yaalla magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Xassan waxa uu sheegay inuu la socdo inay jiraan wadooyin farabadan oo xiran, balse waxa uu sheegay in wadooyinkaasi aysan ka xirneyn dadka shacabka ah.

Madaxweyne Xassan waxa uu sheegay in wadooyinkaasi ay ka xiran yihiin keliya gaadiidka waxa uuna sabab uga dhigay in gaadiidka laga mamnuucay ay geysan karaan dhibaatooyin amni darro.

Waxa uu sheegay inay jiraan cabsiyo ka imaanaya dhanka amni darida, waxa uuna cadeeyay in cabsidaasi ay sabab u tahay wadooyinka laga mamnuucay gaadiidka.

Amni darro ayuu sheegay in wali ay ka jirto qeybo kamid ah dalka, sidaa aawgeed aysan awood u laheyn in wadooyinka xiran dib loo furo.

Xassan Sheekh waxa uu sidoo kale sheegay inay jiraan wadooyin muhiim ah oo ilaa iyo hadda furan kuwaasi oo ay kamid yihiin wadooyinka gala Dekeda iyo Garoonka diyaaradaha.

Haddalka Madaxweyne Xassan ayaa imaanaya iyadoo UN-ka iyo AU-da isku khilaafsan yihiin xirista wadada gasha Garoonka Aadan Cadde.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com