XOG: Camey oo kulan qarsoodi ah la qaatay Saraakiil Ethiopian ah

Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweyne ku-xigeenka maamulka Puntland C/xakiin C/llaahi Xaaji Cumar Cameey, ayaa kulan qarsoodi ah degaanka Tuur-dibi oo ku yaalla xadka Somalia iyo Ethiopia ee Gobolka Mudug kula qaatay Saraakiil kasoo jeeda dalka Ethiopia.

Kulanka ayaa la sheegay inuu ahaa mid qarsoodi ah waxa ayna labada dhinac uga wadahadleen arrimo gaar ah oo aan la shaacin.

Warar hoose ayaa sheegaya in kulankooda qarsoodiga ahaa ay qeyb ka aheyd arrimo ay ka mid yihiin Amniga iyo Ganacsiga Puntland iyo Ethiopia dhexmara, waxaana jiray arrimo gaar ah oo aan la shaacin.

Saraakiisha Ethiopia ayaa la sheegay inay wadaan qorsho ay ku fulinayaan duulaan ka dhan ah Daacishta Somalia, ee ka howlgasha buuraha galgala.

Camey ma uusan sheegin ujeedka kulanka balse mid kamid ah Saraakiisha la shaqeysa ayaa sheegay in Camey iyo Saraakiisha Ethiopia ay isla meel dhigeen qorsho weerar oo lid ku ah Daacishta Galgala.

Sargaalkaani waxa uu sheegay in wadahadalka uu qeyb ka ahaa in xili hore Ethiopia ay ciidamo la imaado Galgala si ay u xuuraamiyaan goobaha lagu qaadaayo weerarka.

Ma cadda go’aanka ay isla gaaren labada dhinac markii laga reebo xogaha hoose oo ay heleyso Caasimada Online.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com