Jubbaland oo 7 cisho u qabatay Kenya, UNHCR & Dowlada Soomaaliya

Kismaayo (Caasimada Online)-Maamulka Jubbaland ayaa ku dhawaaqay iney fasaxeen Qaxootigii ugu badnaa oo ku xayirnaa magaalada Dhoobleey kadib markii wadahadal uu dhex maray Jubbaland iyo hayada qaxootiga u qaabilsan Qaxootiga ee QM.

Jubbaland ayaa qaxootiga ku xanibtay magaalada Dhoobleey ee gobolka Jubbada Hoose, kadib markii Dhadhaab ay kasoo laabteen,waxaana tiradooda lagu sheegay iney gaarayaan inka badan 1100 ruux.

Maxamed Warsame Darwiish wasiirka arimaha gudaha ee Jubbal;and ayaa sheegay in hayada UNCHR ay la kulmeen la iskuna raacay in marka hore qaxootiga loo ogolaado iney dalkooda kusoolaabtaan, laakiin dib u dajin loo sameyn doono.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in UNHCR ay u sheegeen in looba baahan yahay in muddo 7 cisho ah loo qabtaa dowlada Soomaaliya, Kenya iyo hayada Qaxootiga QM ee UNHCR si looga wada hadlo mustaqbalka qaxootiga Jubbaland soo gaaray iyo halka la dajinayo.

Sidookale wasiir Darwiish ayaa si cad u sheegay in qaxooti dambe aan laga soo celin doonin Dhadhaab iyada oo kulan gaar ah uusan dhex marin Jubbaland, dowlada Soomaaliya, Kenya iyo hayada UNHCR.

Jubbaland ayaa dooneysa iney dhankeeda heshaa dhaqaalaha ku baxaya dib usoo celinta qaxootiga Soomaaliya, waxaana qaxootiga laga fasaxay Dhoobleey la sheegay iney kusii jeedeen Jubbooyinka iyo deegaano Koofur Galbeed ka tirsan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com