Galmudug oo DF ku dacweysay Puntland & Gaas oo Gaalkacyo tagay

Muqdisho (Caasimada Online)-Maamulka Galmudug ayaa ugu baaqay dowlada Soomaaliya iney wac ka qabato go’aanada dhawaan ay soo rogeen maamulka Puntland kaasi oo lagu xanibay dhaqdhaqaaqii ganacsi ee u dhaxeeyay koofurta iyo bariga Soomaaliya.

Wasiirka dib u hishiisiinta iyo dastuurka Galmudug Cismaan Maxamed Cali ayaa si cad u sheegay in dhibaatada ka dhalata go’aankii Dhawaan Puntland ku dhawaaqday ay qaadayso masuuliyadiisa Puntland, wuxuuna sheegay in wax wanaagsan aysan aheyn in shacabka Soomaaliyeed cuqdad lagu dhex beeraa.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in amni daro iyo dhibaato kale ay ka dhalan karto go’aankii dhawaan maamulka Puntland uu qaatay, kaasi oo durba ay muuqato in laga dhaqan geliyay deegaanada maamulkaasi ee waqooyiga magaalada Gaalkacyo.

Wasiirka Dastuurka Galmudug ayaa sheegay in dowlada Soomaaliya looga baahan yahay ineysan indha is tirin islamarkaana ay wax ka qabataa dhibaatada ka taagan magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Dhinaca kale waxaa maanta magaalada Gaalkacyo oo xiisadaasi ka taagan tahay tagay madaxweynaha Puntland C/Welli Gaas iyo xubno ka mid ah maamulkiisa.

C/Welli Gaas ayaa la filayay inuu tago magaalada Bishii lasoo dhaafay maadaama qaraxyo dad badan ay ku dhinteen ka dhaceen magaalada Gaalkacyo, waxaana la ogeyn wax socdaalkiisa uu ka badalayo xiisada u dhaxeyso Galmudug iyo Puntland.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com