Shirka JOWHAR oo u baaqday 3 sababood oo aan la fileynin (AQRISO)

Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa soo baxaaya warar sheegaya in maanta uu dib u dhacay Shirka maamul u sameynta Gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe oo lagu waday in maanta uu ka furmo magaalada Jowhar.

Nabadoon Muuse Sheekh Cismaan oo ka mid ah Odayaasha dhaqanka ee ka soo jeeda Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegay in shirka uusan wali furmin.

Sababta koowaad ee dib u dhaca shirka ayaa ah in magaalada Jowhar aysan weli gaarin Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka Somalia oo la filaayay in maanta ay gaaran magaalada Jowhar.

Sababta labaad ee dib u dhaca shirka ayaa la sheegay inay tahay in ciidamada AMISOM qeybta loogu tallo galay inay sugaan amniga goobta uu shirka ka socdo oo aan weli la kala geynin fariisimaha ay ka howlgali lahaayen in uu socdo shirka.

Sababta seddexaad ee dib u dhaca shirka ayaa la sheegay inay tahay in qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka ee ku sugan magaalada Jowhar ay dalbadeen in lasiiyo saacado kooban si magaalada ay usoo gaaran Ergooyin ka maqan shirka kuwaasi oo lagu waday in magaalada ay soo gaaran galabta.

Shirka ayaa lagu wadaa in maalinta beri ah uu dib u furmo waxaana lasoo sheegayaa in Ergadii maqneyd ay maanta halkaasi wada gaaren.

Mas’uuliyiinta ka socta DFS ayaa lagu wadaa in sidoo kale maalinta beri ah ay halkaasi gaaran.

Dhawaan ayey ahayd markii Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Urur Goboleedka IGAD ay ku dhawaaqeen in 3-da Bisha September oo maanta ku beegan in Magaalada Jowhar uu ka furmayo Shirka maamulka loogu dhisayo Gobollada Shabeelaha Dhexe iyo Hiiraan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com