C/wali Gaas oo si caro leh uga jawaabay haddal kasoo yeeray Xassan Sheekh

Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha maamulka Puntland C/wali Gaas oo dib ugu laabtay magaalada Gaalkacyo ayaa si adag uga jawaabay haddal uu maalin ka hor sheegay Madaxweynaha dalka Xassan Sheekh Maxamuud.

C/wali Gaas oo Aqalka Puntland kula hadlay Saxaafada ayaa sheegay in Madaxweynaha Somalia uu ka been sheegay xaqiiqda ka jirta dalka, waxa uuna beeniyay qiimeynta uu Xassan Sheekh ku qiimeeyay Gobolada ay Puntland ka kooban tahay.

Gaas waxa uu sheegay in Puntland ay ka kooban tahay 5 Gobol iyo bar oo kamid ah Goboladii 18-ka ahaa, waxa uuna cadeeyay in Xassan Sheekh uu si cad uga been sheegay Gobolada Puntland.

”Haddalka Xassan Sheekh waa mid aan sal iyo baar ku laheyn xaqiiqda cidii dooneysa inay wax ka ogaato Gobolada Puntland wey u furan tahay, Puntland waxa ay ka kooban tahay 5 Gobol iyo bar oo kamid ah Goboladii 18-ka ahaa”

C/wali Gaas waxa uu mar kale carab dhabay in Puntland ay tahay Sagaal Gobol oo dhameystiran, waxa uuna cod dheer ku sheegay in dhammaan Goboladaasi ay yihiin kuwo ku talaabsaday amni iyo kala danbeyn.

Haddalka carada leh ee uu ugu jawaabay Gaas Madaxweynaha Somalia ayaa imaanaya iyadoo maalmo un ka hor Madxaweynaha dalka uu sheegay in Puntland ay ka kooban tahay Laba Gobol iyo Bar.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com