Mugabe oo sheegay inuu dhintay balse uu hadana dib usoo noolaaday

Muqdisho (Caasimada Online)-Madaweynaha dalka Zibabwe Robert Mugabe oo lagu tilmaam Madaxweynaha ugu da’da weyn Caalamka ayaa saakayto dib ugu laabtay dalkiisa, kadib markii in muddo ah lagu soo daaweynayey magaalada Dubai.

Mugabe, 92 jir ahna hogaamiyaha ugu da’da weyn Afrika, ayaa isbadel ka muuqday isagoo ay wehelinayeen saraakiishisa ammaanka.
Madaxweynaha ayaa u sheegay suxufiyiinta inuu u aaday arrin qoyska, waxa uuna beeniyay inuu ahaa mid xanuunsan.

Mid kamid ah Wargeysyada caalamka ayaa qoray war ay cinwaan uga dhigtay; “Robert Mugabe ayaa waxa ku dhacay maskax qalal,waxaana madaxweyne ku meelgaar ah Mnangagwa.”

Isagoo kaftamaayay ayuu yiri Mugabe “Haa,waan dhintey, waa run dibna waan u soo laabtay sida marwalba aan sameeyo marka aan dalka dib ugu soo laabto waxaan ahay qof dhab ah.”

Mugabe ayaa ahaa madaxweynaha dalka Zimbabwe tan iyo sanadkii 1980kii waxana uu sheegay in marlabaad uu u tartami doono xilka madaxtinimada sanadka 2018.

Boliska Zimbabwe waxay Khamiistii hore kala eryeen Dibadbaxayaal ka soo horjeeday Madaxweynaha dalkaasi oo xilka hayey tan iyo sannadkii 1980-kii.

Madaxweyne Mugabe ayaa sheegay inuu isku soo sharxi doono Doorashadda dhici doonta sannadka 2018-ka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com