Maxaa iska bedelay Xabsi guriga Hanti dhowraha Aqbalaada xil ka qaadista ee Madaxweynaha kadib?

Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa soo saaray xeer madaxweyne oo uu ku aqbalay xilka qaadista hanti-dhowraha ee golaha wasiirrada.

Dr. Faarax Nuur ayey khamiistii xilka ka qaadeen golaha wasiirada si baaritaan loogu sameeyo dilka wasiirka Siraaje oo lagu eedeeyay ilaaladiisa.

Dr. Faarax Nuur, ayaa sida aan horay u sheegnay xabsi guri looga dhigay Xarunta Villa Somalia, waxa uuna sheegay in ilaa iyo hadda uusan qaadan xil ka qaadista.

Dr. Faarax Nuur, oo lagu amray inuu kusii jiro Villa Somalia ayaa aqbalaada Madaxweynaha ee xil ka qaadista loo sii kordhiyay saacadaha uu kusii jiraayo gudaha Villa Somalia.

Aqbalaada Madaxweynaha kadib Dr. Faarax Nuur waxaa lagu wargaliyay inaanu ka dhex bixi karin gudaha Villa Somalia ilaa iyo amar danbe waxaana intaa loo raaciyay in Villa Somalia uu uga bixikaro kaliya amar kasoo baxa Villa Somalia.

Dr. Faarax Nuur, oo rajo laga qabay in Villa Somalia laga saaro aqbalaada Madaxweynaha ee xil ka qaadista kadib ayaa sidoo kale lagu wargaliyay in bixitaankiisa uu yahay mid ku xiran baaritaanka dilka Wasiir Siraaji kadib.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa soo baxaaya warar sheegaya inuu sii daba dheeraday kiiska dilka Wasiir Siraaji oo cagaha la galay dhowr qof oo kale.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com