Taliyaha Booliska oo ka hadlay halka uu maraayo kiiska dilka Wasiir Siraji

Muqdisho (Caasimada Online)-Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya Gen. C/xakiin Daahir Saciid ”Saacid” ayaa ka hadlay baaritaanka lagu hayo Askarta Hanti dhowrihii Qaranka ee afafka hore Villa Somalia ku dilay Wasiir Cabaas Siraaji.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya Gen. C/xakiin Daahir, ayaa sheegay in inta badan baaritaanadii socday ay soo dhamaaden waxa uuna tilmaamay in Askarta dilka geystay ay yihiin kuwo ku jira gacanta Hay’adaha amaanka.

Taliyaha waxa uu sheegay in ilaa iyo hadda ay gacanta ku hayaan Saddex nin oo loo heysto dilkii Wasiir Cabaas.

Seddexda nin ayuu sheegay in wali lagu hayo baaritaan isla markaana ay diyaar u yihiin in la mariyo wixii ciqaab ah oo ay muteystaan, sida uu haddalka u dhigay.

Taliyaha waxa uu intaa raaciyay in dalka uu ka jiro sharci aysan ka sareyn dadka xilalka ka haya DFS iyo kuwa shacabka ah waxa uuna cadeeyay in baaritaanka socda kadib dadkaasi ay marin doonaan waxa uu sharciga qabo.

Dhinaca kale, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya Gen. C/xakiin Daahir, ayaa carab dhabay in Ciidamada ay xireen Askar ka tirsan Dowladda Federaalka, kuwaasi oo lagu helay musuq maasuq.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com