Boqorka Sacuudiga oo soo saaray amar ka farxiyay dumarka dalkaas

Muqdisho (Caasimada Online) – Wareegto kasoo baxday Xafiiska boqorka boqortooyada Sacuudiga ayaa lagu shaaciyay in ciidamada Sacuudiga aysan muxram weydiin karin dumarka adeegyada kala duwan ugu imaanaya Xafiisyadooda.

Wareegtada ayaa waxa lagu sheegay in dhammaan dumarka ku dhaqan dalka Sacuudig ay kaligooda ka adeegan karaan Suuqayada dalka.

Hay’ada Xuquuqul insaanka dalka Sacuudiga ayaa iyaguna shaaciyay inay ku guuleysteen in dowlada Sacuudiga ay xayiraada ka qaado dumarka.

Hay’adaha ayaa sidoo kale sheegay in go’aankani uu yimid kadib markii ay soo jeediyeen Golaha Wasiirada boqortooyada Sacuudigu baaq ay horay ugu gudbiyeen oo ahaa in dumarka laga qafiifiyo Muxramka xiliyada ay adeega u doonanayaan suuqyada.

Wareegtada kasoo baxday Xafiiska boqork ayaa lagu amray in Hay’adaha dowladu ku fuliyaan muddo Seddax bilood gudahood.

Dumarka Sacuudiga ayaa caqabado kala duwan kala kulma Dowlada oo iyadu dumarka ku amarta inaanu meel gaari karin iyagoo aan wadan muxram.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET