Maxaa kusoo kordhay diyaar garowga loogu jiro shirka London?

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa xarunta Villa Somalia laga dareemayaa u diyaar garowga shirka la filaayo in gudaha bishaani uu ka furmo magaalada London ee dalka Britain.

Shirkaani ka furmaaya magaalada London ayaa loo qorsheeyay inuu furmo 11ka May, waxaana lagu wadaa inuu ka dhaco Lancaster House ee caasimada London.

Villa Somalia ayaa waxaa ku qulqulaaya Diplumaasiyiin heer caalami ah kuwaa oo kulamo kama danbeyn ah la qaadanaya Madaxda ugu sareysa dalka ee Somalia u matali doonta shirka.

Diplumaasiyiinta ku qulqulaaya Villa Somalia ayaa madaxda la wadaagaya qodobada shirka, hanaanka jeedinta khudbadaha, waxaana lagu wadaa in ajandaha DF ee shirka loo gudbiyo Madaxda Britain u mataleysa shirka si loo sii daabaco.

Dowladda Federaalka oo uu hoggaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa ka qeybgali doona.

Shirkan ayaa looga hadli doonaa arrimo ay ka mid yihiin amniga, siyaasada iyo kobcinta dhaqaalaha Soomaaliya iyo gurmadka abaaraha dalka ka jira.

DFS ayaa goor sii horeysay shaacisay inay u diyaar garowday shirka London isla markaana ay u muuqaneyso natiijo wanaagsan oo kasoo baxda shirka.

Si kastaba ha ahaatee, Madaxda Qaranka iyo Madaxweynayaasha maamul Goboleedyda ayaa wada diyaar garowgii ugu danbeeyay ee lagu gaari lahaa magaalada Britain, waxaana iminka ka harsan shirka 5 maalin oo qura.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET