Maxaa iska bedelay xiriirkii ka dhexeeyay R/W Kheyre iyo Yuusuf Garaad?

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay kusoo waramayaan ilo wareedyo lagu kalsoon yahay waxaa gaabis ku imaaday xiriirka Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Kheyre iyo Wasiirka Arrimaha dibadda Yuusuf Garaad.

Ra’isul wasaaraha Xukuumada Xasan Kheyre ayaa la sheegay in muddo laba jeer uu hakiyay booqasho uu ugu imaaday Wasiir Yuusuf Garaad, sababo la xiriira go’aankii uu ku taageeray Hanti dhowrihii Qaranka.

Ra’isul wasaare Kheyre ayaa aad uga carooday ficilkii Y.Garaad uu ku garab siiyay Hanti dhowrihii xilka laga qaaday xili uu Wasiir ka yahay Xukuumada Somalia.

Ra’isul wasaare Kheyre iyo Wasiir Yuusuf Garaad ayaa sidoo kale isku fahmi waayay kulan dhexmaray laba saac kadib markii Garaad laga saaray shirka Golaha Wasiirada ee xilka looga xayuubiyay Hanti dhowrihii xilka waayay.

Labada mas’uul ayaa isku fahmi waayay kulanka, iyadoo Ra’isul wasaare kheyre intaa kadib qaatay go’aan ah inuusan fursad siin Wasiir Garaad.

Mugdiga aan lasii shaacin ka dhextaagan labada mas’uul ayaa la sheegay inay ku gacanseeren Odayaasha dhexda u xirtay xalinta mugdiga labada Mas’uul.

Dhinaca kale, Wasiir Yuusuf Garaad ayaa dib uga laabtay go’aan uu ku taageeray Hanti dhowrihii xilka waayay, kadib markii loo kala saaray howlaha uu u hayo Qaranka iyo dhexgalida arrimaha ku xeeran qabiilka.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET