Nuur Faarax: Ninkii afkiisa eeday

Dad waxaa ugu nasiib daran nin afkiisa eeday ama uu afkiisu dhaafiyay noloshi uu weligii raadinaayay, taasoo markuu soo gaaray meeshi uu u socday ama uu jeclaa ku waayay hadal carrabkiisa ka soo baxay oon laga fiirsan. Kaddib marki ay dhacday arrinti aad u xanuunka badneyd ee dilki Wasiitki Howlaha Guud Cabbaas C. Siraaji dadka oo dhan waxay sugaayeen sidi loo ogaan lahaa wixi dhab ahaan uga dhacay meesha…cidina ma sugeyn mana filaneyn in  Madaxa Hantidhowrka Guud Nuur Faarax uu muddo yar kaddib ka hadlo arrinta oo weli qoyan asagoo adeegsaday erayo aan marna laga fileyn inuu ku hadlo qof mas’uul ah oo darajo weyn ka haaya dowladda arrintuna ay si gaar u khuseyso.

Waxaa jira xikmado fara badan ee ka hadlaaya qofka carrabkiisa siduu adeggsado, waxaana ka mida :

من كبح لسا نه حفظ رأسه oo micnaheedu yahay QOFKI AFKIISA KA ADKAADA AMA XIRTA WAA BADBAADAA.

Mas’uulkaan lagama sugeyn inuu wareysi bixiyo iyadoo ay arrintu weli taagan tahay marxalad xasaasi ah, kuna hadlo hadal aan marna u qalmin wadciga siduu ahaa saacadaas…hadduu iska  aamusi lahaa arrintu ma yeelateen wejiga ay hadda leedahay, mana gaarteen heerka uu gaarsiiyay ka hadalkiisa iyo naxariis darrada ka muuqatay habdhaqankiisa. Xikmadi kale waxay ahayd طول اللسا ن هلاك ا لا نسا ن oo micnaheedu yahay CARRABKI DHEERAADA QOFKIISU HALLIGAA.  H/dhowraha hadduu arrintaan ka aamusi lahaa inta ay arrimuhu kala caddaanayaan waxaa baaqan lahaa tafsiirka laga bixiyay dhacdada oo loo arkay inuu Hantidhowruhu daboolaayo ficilka xun ee meesha ka dhacay oo loo fasiray inuu yahay dembi uu u raadinaayo qiil uu ku sharciyeyo ama ku daboolo  dhacdadan naxdinta badan. Haddaba, hadduu ka aamusi lahaa ilaa si rasmi ah looga wareysto ma gaarteen meesha ay manta joogto, asagana melna kama soo geli lahayn ms’uuliyada dhibaatada dhacday ama in yar ayaa ka soo gaari lahayd, maadaama uusan gaariga isaga wedin ama la socon..

Nassib darro, wuxuu ku fashilmay Nuur Faarax inuu afkiisa ka adkaado uu shib iska yiraa, uusan la doodin Golihi Wasiirada iyo Madaxweynihi kuna andacoodo inaan booska laga qaadi Karin. Taasi waxay tusaale cad u tahay heerka aqoontiisa, garadkiisa iyo garashada meesha ku nool yahay oo Somaliya laga yaabee inuusan weli dareemin heerka uu ka joogo dowladda u soo magacawday xilka. Waxaan ku soo khatimeynaa xikmaddi ahayd

لسا ن العا قل ورا ء قلبه وقلب الجا هل وراء لسا نه

Oo micnaheedu yahay caaqilka carrabkiisa wuxuu ka dambeeyaa caqliga halka jaahilka ama dabbaalka caqligiisu ka dambeeya carrabkiisa.

Carrabka ka soo horreeya caqliga waa kan meesha na dhigay oo ay dad badani ku khasaareen sidi Hantidhowruha Qaranka ku waayay shaqadaiisi carrabkiisa awgii…Xikmadda ugu dambeysa:

رب لسا ن قضى على انسا ن

Oo micnaheedu yahay cinwaanka qoraalka.

Waxaa yaan darrada ah inuusan Nuur Faarax aqaanin awoodiisa iyo cidda jagada u soo magacawday, wuxuuna ku andacoonayaa inuu Barlamaanka kaliya ka qaadi karo booska. Arrinti waxay isu beddeshay weji qabiileed (Clan solidarity) lana illaabay ruux dhallinyara ahaa oo si  lama filaan ah loogu dilay xabbad isagoon waxba galabsan in lagu mashquulo ooy arrinti isu beddesho jagada uu haayo, lana illaabay dil loo geystay qof aan cidna duulaan ku ahayn…Intaa oo dhan waxaa u sabab ah Nuur Faarax iyo garad-yaridiisa oo arrinti iyo dembigi dhacay ka dhigay waxaan qiima lahayn, ayna ka weyn tahay jago ka qaadista lagu sameeyay.

Dadka noocaas ah inta aan waxba loo dhiibin in laga fiirsado ayey ku fiicnaan lahayd, si looga badbaado dhibaatada ka dhalatay arrintaas oo laga yaabo in ay meelo aad u xun-xun ay gaarto haddii aan caqli iyo deganaan lagu maareyn.

Qoraalkani ma ahan mid loola jeedo cay ama meel ka dhac midna ee waa wax istusaaleyn aan dan kale ka dambeyn.

W/Q: Axmad Calasow

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET