Jahwareer weli ka taagan dilka kaaliyihi gudoomiyihi maxkamada sare

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa soo baxaaya warar dheerad ah oo ku saabsan dil uu darawalka qaaska ah ee Janaraal Gaafoow u geystay Kaaliyihi Gudoomiyihi Maxkamada Sare ee dalka.

Darawalka Gaafow ayaa dilay Marxuum Mursal Cumar oo ahaa shaqaale ka tirsanaa Maxkamada Sare ee dalka.

Qoyska Marxuumka ayaa diiday in la aaso wiilkooda kadib markii ay dalbadeen in lala duugo darawalka Gaafow ee dilka geystay.

Qoyska Marxuumka ayaa sheegay inaanu aqbali doonin in wadahadal lagu aaso meydka wiilkooda, walow ay jiraan warar sheegaya in leysku fahmay in Marxuumka la aaso kadibna leysugu soo laabto dhiiga daatay.

Qoyska Marxuumka ayaa sidoo kale sheegay in Janaraal Gaafoow uu ka shaqeynaayo in cadaalada aan la horkeenin ninka dilka geystay sida ay sheegeen.

Sidoo kale, Xuseen Maxamed Xasan Dhiqle oo ka mid ah ehelada Marxuumka la dilay ayaa tilmaamay in ay sugayaan cadaalad isla markaan baaq u diray madaxda dawladda in loo dilo gacan ku dhiiglaha sida ay dalbanayan.

Xuseen Maxamed Xasan Dhiqle, waxa uu sidoo kale sheegay in qoyskiisa aysan dooneynin diyo, isla markaana ay u taagan yihiin keliya in gacan ku dhiiglaha loo soo taago tiirka.

Madaxda sare ee dalka iyo Maxkamada ayaan wali ka hadal dilka muranka badan dhaliyay, waxa ayna arrintu u muuqataa in Gacan ku dhiiglaha la horgeyn doono Maxkamada.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET