Muxuu Farmaajo ka yiri miraha kasoo bixi doona shirka ku soo dhamaaday London?

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo, ayaa shaaca ka qaaday in guul uu kusoo dhamaaday shirka uga furmay magaalada London.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in shirka London uu kasoo baxay mirro wanaagsan oo ay wada guran doonaan dhammaan Umadda Soomaaliyeed.

Waxa uu tilmaamay in dowladaha kasoo qeybgalay shirka ay Somalia u sameeyen ballanqaad, waxa uuna meesha ka saaray in ballanqaadkaasi uu lamid noqon doono kuwii hore.

”Shirka waxa uu kusoo dhammaaday guul, waxaan ku rajo weynahay in mirihii kasoo baxay shirka ay ku anfaci doonaan Umadda Soomaaliyeed”

Madaxweynuhu waxa uu carab dhabay in dowladaha garabka u ah Somalia ay ku adkeeyen in laga dhabeeyo ballanqaadyada ay u sameeyen Somalia, waxa uuna dhankiisa ka balanqaaday inay u sinaan doonan dhammaan maamulada dalka.

Waxa uu rajo ka muujiyay in isbedel ay ku imaan doonto xaalada hadda ka jirta, maadaama uu yiri adduunka oo idil ay ka go’an tahay inay garabsiiyan Somalia.

Madaxweynaha waxa uu sidoo kale, shacbiga Soomaaliyeed ugu baaqay inay ka faa’iideystaan fursadaha uga imaanaya dowladaha caalamka.

Geesta kale, Madaxweynaha ayaa ku dhawaaqay in qodobada kasoo baxay shirka London si degdeg ah lagu dhaqan galin doono.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET