Maxaa iska bedelaya saami qeybsiga Puntland kadib ka-bixitaankii SSC-Khaatumo?

Laascaanood (Caasimada Online) – Isimada Dhaqanka ee SSC-Khaatumo oo shalay shir xasaasi ah ku yeeshay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa soo saaray go’aanno culus oo ay ku shaaciyeen inay uga baxeen Puntland, maadaama ay dhisteen maamul gooni ah oo madax bannaan.

Bayaanka ayaa waxaa lagu sheegay in aysan ka qayb-geli doonin doorashada ka dhaceysa Puntland, iyagoo sheegay in aysan soo xuli doonin 17-kii xildhibaan ee ay horay ugu lahaayeen.

“Waxaanu goosanay in 17-ka xildhibaan aan la qorin oo aynan ka qayb-gelin doorashada Puntland ka dhaceysa, waxaan kale oo aan goosanay in aysan jirin kuwo joogo oo la cusbooneysiinayo, taas oo micnaheedu noqoneyso wax reer Khaatumo ah oo xildhibaano ah oo ka qayb-galayaa doorashada Puntland bataatan inayna jirin,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Sidoo kale waxa ay sheegeen in aysan u tartami doonin xilka madaxweyne ku ixgeenka maamul goboleedka Puntland oo ay horay u lahayd Beesha Dhulbahante, haddana uu ku metalayay Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) oo ah siyaasi kasoo jeeda SSC-Khaatumo.

Gudoomiyihii hore ee dalladda ururada Bulshada Rayidka ee Puntland Faysal Axmed Warsame ayaa sheegay in arintan ay saamayn ku yeelanayso doorashada hadda howsheedu ka socoto Puntland, taasna ay keeni doonto in doorashada hadda lagu gali doono 49 mudane oo baarlamaanku noqonayo marka laga reebo kuwa Khaatumo.

Faysal wuxu sheegay in kooramka oo seddex meelood laba marka u buuxsamo la qaban karo doorasho madaxweyne.

Laakinse wuxuu sheegay Faysal in “saamaynta ay arrintan ku yeelanayso doorashada ay tahay dib u dhac ku yimaada doorashada oo laga yaabo in aysan wakhtigeeda ku qabsoomin, iyo khilaafyo hor leh oo soo kala dhex gala mucaaradka iyo dawladda oo ku saabsan sida loo wajahayo go’aanka garaaddada.”

Sidee u ekaanayaa baarlamaanka Puntland?

Sida muuqata waxaa is badal ku imaanayaa tirada xildhibaannada baarlamaanka Puntland ka dib go,aankii Isimmada dhaqanka ee Khaatumo.

Mudanayaaasha baarlamaanka ayaa ah 66 xildhibaan oo ka kooban dhamaan gobollada Puntland hase yeeshee waxay u muuqataa in hadda ay noqonayaan 49 mudane oo kaliya.

Ka sokow in Sool iyo Buuhoodle ay leeyihiin tirada ugu badan ee hal beel ku leedahay baarlamaanka Puntland, waxay haddana sidoo kale leeyihiin gudoomiye xigeenka labaad ee Barlamaanka oo inta badan noqonayey mudane ka soo jeeda degmada Buuhoodle.

Faysal Axmed Warsame gudoomiyihii hore ee dalladda bulshada rayidka ee Puntland ayaa sheegay in ay saamayn ku yeelanayso hanaan dhismeedka Puntland oo lagu heshiiyey 25 sano ka ka hor.

“Waxan is leeyahay waxay ahayd in go’aanka la siiyo waqti dhamaan dhinacyadu uu quseeyo laakin haddana waa muhiim in la ixtiraamo rabitaanka dadka khaatumo go’aanka ay Isimmadoodu ay gaareen” ayuu yiri Faysal.

Saami qaybsiga siyaasadeed ee Puntland

Hanaanka awood qaybsiga ee Punland waa hanaan aan meelna ku caddayn, xitaa dastuurka maamulkaas sida loo qaybsanayo Madaxweynaha, ku xigeenka iyo gudoomiyaha Baarlamaanka.

Hase yeeshee Sool ayaa inta badan hesha Madaxweyne xigeenka, tiro wasiirro ah iyo agaasimayaasha wasaaradaha dowladda, iyo taliyeyaal ciidan marka la eegana waa tiro aan yarayn.

Sida ku cad go’aanka Isimmada Khaatumo cid iyaga ku matali doonta puntland ayey sheegeen inaysan jirin oo maamul gooni ah ay leeyihiin.

Gudoomiyihii hore ee Dallada PUNSA ayaa qaba in haddii dowladu isku daydayo in dadka ka soo jeeda Sool iyo Buuhoodle ay sifo sharci ahayn ugu dhigaan Xildhibaano ay keeni karto khatar iyo khilaaf hor leh oo dhinacyda soo kala dhex gala.

Maamulka Puntand ma ka sii shaqayn doonaa SSC?

Puntland ayaa hadda ka kooban 9 gobol sida ku dhigan dastuurka maamulkaasi kuwaasoo kala ah, Mudug, Bari, Karkaar, Haylaan, Sanaag, Cayn, Sool, Karkaar iyo Gardafuu.

Haddii sida Isimmada Khaatumo ay hadda go’aamiyeen u hirgalo qorshaha waxay ka dhigan tahay in maamulka Puntland uusan ka shaqayn karin gobollada hadda ay Khaatumo sheegaynayaan oo ah Sool iyo Cayn.

Faysal Ahmed, gudoomiyihi hore ee Dallada Ururada Bulshada Rayidka ee Puntlnd ayaa sidan sheegay ‘’Waxay u baahnaan doontaa waqti si ay u kala guuraan Puntland iyo Khaatumo arintaasna waxay ila tahay inay u taallo xukuumadda cusub ee timaada Puntland iyo Maamulka Khaatumo.

Puntland ayaa ah maamul goboleedkii ugu horeeyey ee ka dhasha Soomaaliya kaas oo ka tirsan dowladda federaalka ee Soomaaliya.

Puntland waxaa iminka laga bilaabay xulista xildhibaannada, maamulkana wax jawaab ah kama bixin go’aanka garaaddada, ayadoo maalmo ay naga xigaan xilligii lagu dhawaaqi lahaa liiska xildhibaannada baarlamaanka Puntland.