Madaxweyne Xasan Sheekh oo sameeyey xil ka qaadis cusub

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xilkii ka qaaday Nasa Cige oo ahaa La-taliyaha Madaxweynaha ee xiriirka caalamiga ah iyo isku-duwaha barnaamijyada.

Madaxweynaha ayaa qoraalka lagu eryey nuqul ka mid ah ugu mahadceliyey la-taliyihiisii hore wakhtiga uu u soo shaqeeyey dalkiisa.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay mudnaan siinayso xoojinta xiriirka ay leedahay caalamka, si waafaqsan danaha iyo arrimaha hortabinta u leh shacabka Soomaaliyeed.

“Madaxweynaha Janhuuriyadda ayaa adkeeyey muhiimadda ay leedahay in masuuliyiinta dowladdu ay ugu shaqeeyaan shacabka Soomaaliyeed, si masuuliyad leh oo ilaalinaysa qiyamka iyo nidaamka dowladnimada,” ayaa lagu yiri qoraalka xilka looga qaaday la-taliyaha.

Qoraalka Villa Somalia laguma shaacin sababta xilka looga qaaday la-taliyaha, kaliya waxaa lagu sheegay in xilka laga qaaday, si loo hor mariyo xiriirka caalamiga ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh inta badan xilalka kama qaado saaxiibadiisa siyaasadda, waana sababta dad badan ay u daneynayaan inay ogaadaan waxa keenay go’aankaan xil qaadista ah.