Muqdisho (Caasimada Online) – Warsaxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa waxaa looga hadlay howlgalladii ugu dambeeyay ee ka dhacay deegaanada Galmudug, HirShabelle iyo Jubbaland oo lagu weeraray Al-Shabaab.
Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa shaacisay khasaaraha Al-Shababa lagu gaarsiiyay howlgalladii ugu dambeeyay ee ay qaadeen ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa deegaanka, waxayna sheegtay in lagu laayay in ka badan 130 ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab.
Sidoo kale waxa ay sheegtay in laga soo furtay hub kala duwan, lana burburiyo goobo ay gabaadka dhiganayeen muddo aad u dheer.
“Inta ay socdeen howlgalladan waxaa la dilay in ka badan 130 ka tirsan Khawaarijta, waxaa laga soo furtay hub, waxaana la burburiyay goobo gabaab u ahaa” ayaa lagu yiri qoraalka.
Warbixinta waxaa sidoo kale lagu sheegay in kooxda laga saaray dhul ballaaran, sida howdka Shabeelow, waddada muhiimka ah ee Caadley, buurta Yacgoos iyo deegaanka baraag Ismaaciil oo dhammaan ka wada gobolka Mudug ee dowlad goboleedka Glamudug.
Waxaa kale oo la xoreeyay degmada Ceeldheer, magaalada Masagawaa iyo deegaanada hoos yimaada oo dhaca bariga gobolka Galgaduud.
Sidoo kale howlgallo kuwaan lamid ah oo jab xoogan lagu gaarsiiyay maleeshiyaadka Al-Shabaab ayaa ka dhacay howdka Shabeelaha Dhexe iyo Jubbooyinka, sida lagu sheegay qoraalka kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.
Wasaaradda ayaa intaas kusii dartay inay sii socon doonaan howlgallada, ujeedkana uu yahay in kooxda Al-Shababa laga xoreeyay guud ahaan dalka.
“Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo ciidanka difaaca shacabka waxaa ka go’an inay sii labo laabaan dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta inta ay ka xaqiijinayaan in dalkeena ay ka caribitaan Khawaarijta” ayaa ugu dambeyn lagu soo gabagabeeyay warsaxaafadeedka.