KENYA oo sarkaal sare oo ciidan u xirtay Shabaabnimo

Nairobi (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee dalka Kenya ayaa Sabtidii shalay soo qabtay sarkaal kamid ah ciidamada dalkaas oo looga shakiyay inuu gacan saar la leeyahay kooxda Al-Shabaab ee ka dagaalanta Soomaaliya, sidoo kalena weerarta dalkaasi.

Sarkaalka lasoo xiray ayaa ka howl-galayay deegaanka Likono ee ismaamulka Mombasa, wuxuuna Kenya u qaabilsanaa qorista ciidamada cusub ee ku biiriya Booliskeeda.

Wararka ayaa sheegaya in dhaq-dhaqaaqa ninkan laga shakiyay, kadibna ay soo xireen ciidamada sida gaarka ula dagaalama waxa loogu yeero argagixisada.

Warbixino dabagal ah oo lagu sameeyay ninkan ayaa muujinaya inuu jiro tuhun xoogleh oo ku aadan inuu si hoose ula shaqeynaya Al-Shabaab, uuna qorayay dhalinyaro cusub, isaga oo sidoo kale wata shaqadii uu hayay dowladda, maadaama uu yahay sarkaal boolis ah.

Sidoo kale waxaa haatan bilaabatay maxkamadeynta sarkaaalkan oo loo haysto 4 dacwadood oo ay ka mid yihiin la shaqeynta Shabaab iyo inuu colaad ka horinayay gobolka,

Sarkaal lasoo xiray ayaa horay sidaan oo kale gacanta loogu soo dhigay, kadib shaki soo galay, balse waa uu iska bari yeelay, kadibna sidaas ayaa lagu sii daayey.

Laamaha ammaanka Kenya oo kiiskan gacanta ku haya ayaa sheegay in marka uu soo dhamaado baaritaankood ay natiijada las wadaagi doonaan warbaahinta.

Kenya ayaa waxaa inta badan howlgallo culus ka fulisa kooxda Al-Shabaab oo beegsata ciidamada booliska iyo xarumaha muhiimka ah ee ku yaalla gudaha waddankaasi.