Waxaa shir ku yeeshay magaalada Kismaayo maamullada Juba iyo Puntland oo la siiyay magaca “Dadka walaalaha ah’’ oo hadii loola jeedo Soomaali ahaan run ah laakiin sida loola jeedo hadda aan sax ahayn.
Sababtuna waxay tahay Jubba ama Jubbaland dhulka la rabo in laga dhigo laakiin aan weli noqon waa 3 gobol oo ay degan yihiin Soomaali Maxamed oo dhan, marka haddii Puntland beel baa ugu xoog badan la yiraahdo micneheedu maaha in sheekadaasi ay ka soconayso Jubbaland oo ay degan yihiin in ka badan 40 qabaa’il.
Waxyaabaha marka taas laga soo tago meesha laga sheegay waxaa ugu wayn heshiis la yiri waxaa kala saxiixday labada gobol ee “walaalaha’’ ah.
Waxaa ka mid ah in wax kasta oo ku wajahan dowladda Somalia aragti midaysan laga yeesho qodobada isoo jiitey balse sharci darrada ah ee ay tahay inay soo farageliso dowladda dhexe waxaa ka mid ah:
Waxaa la yiri ciidamada Jubbaland waxaa tababar siinaya kuwa Puntland iyadoo la adeegsanayo xerada tababarka ee Carmo, ogoow Carmo waa xarun ay sharciyan leedahay dowladda federaalka Somalia (federal facility), waxaad kaloo ogaataa meel ay dunida ka jirto ma laha gobol gobol kale oo ay isku dal ka tirsan yihiin ciidamo u tababara. Halkan ka aqriso qodobada
Waxaa kaloo ku jira heshiisyada khaladka ah dowladda oo lagu AMRAYO inay khasab ku ogolaato in hay’adaha caalamigu ay toos u caawin karaan wax lagu sheegay dowladaha federaalka hoos yimaada, su’aashu waxay tahay oo maxay qabanaysaa dowladda dhexe?
Waxaa kale oo ku jira in canshuuraha ay iska dhimaan labada maamul, waxaa muhim ah in la ogaado in wixii laba gobol dhaafa ay noqonayaan howl federal (federal jurisdiction) tusaale ahaan haddii uu nin dembiile ihi laba gobol oo federaalka ka tirsan dembi ka galo arrintiisu waxay u taallaa dowladda federaalka ah ee labada gobol kama wada hadli karaan, qiyaas marka canshuur IWM.
Waxaan Gaas iyo Madoobe usoo jeedin lahaa inay umadda ka daayaan waxyaabaha sii kala gaynaya, weliba Madoobe waxaan leeyahay, ninyohow xil aadan mudnayn ayaa laguu dhiibay waayo gobolka waa lagaaga badan yahay, marka halkii aad soo jiidan lahayd umadda qabiil kasta leh ee gobolka degan oo aad soo jiidi lahayd haku daba lumin siyaasadda aan jahada lahayn ee reer Puntland ku caan bexeen oo yaysan umadda kula degan kugu dirin.
Gaas waxaan dhihi lahaa walaal qabyaaladda aad ka raadinayso Kismaayo mid shaqayn karta maaha waayo Kismaayo waxaa degan 40 qabiil ka badan marka haddii aad mid dhalasho la wadaagto mid baadan Somali uga sokeeynin dan baana idinka wada dhexeysee caqli saliim ah la imoow oo jooji inaad umadda sanka ka marmarto ood isku dirto waxba ka heli mayside.
Dowladda dhexe ee federaalka ah waxaan u sheegi lahaa inay la hadasho dadka siyaasadii dalka qabyaaladaynaya oo ha samayso xeer cusub oo la yiraahdo Xeerka Samadoonka oo qaban kara cid kasta oo la timaada dhaqan wax kala dhantaalaya.
Haddii aysan taas dhicin waxaa imaanaysa inay gobollada kalana sidoo kale u xafiiltamaan kadibna uu soo boxo dal weligii kala qaybsan oo sidaas looga gaaro danaha aduunku leeyahay, mida kale Puntland yaysan isku darin inay ku faanto waxaan nahay ‘hooyo Soomaaliyeed’ iyo inay taas ku beeniso dhaqankeeda ay dad badan oo Soomaaliyeed u arkaan mid laga xishoodo, hana ixtiraameen oo wanaag haka raadiyeen dadka uga dhow Kismaayo, waayo ninka aad la dhaqanto ayaa noloshaada saamayn ku leh ee wixii kale waa doolaalo dheeri.
Ugu dambayn, qof kastoow la soco in wiilka aad keensato wax laguugu shubi doono, sidoo kale reer Banaadir waxaan u sheegayaa in aysan iska hurdin ee ay isha ku hayaan waxa uu wado Gaas iyo intii ku taageersan oo isagii oo wax kasta loogu sabray oo aan waxba dowladda siinin uu hadana umaddii qaybis iyo qabyaalad aan micna lahayn kula meeraysanayo.
Waxaa Qoray: Geeddi Calas Kaarshe (Koronto)