Wadan madaxweynayaal badan, madax xanuun ma ka baxayaa? (Fallanqeyn)

Sida la wada ogsoon yahay oo aan ka Maqalno Saxaafadda Caalamiga iyo tan Maxaliga ee Af Soomaaliga Ku hadasha Soomaaliya waxaa ka jira Madaxweyne yaal Fara Badan oo mid kastaa sheeganayo jagada Madaxweyne!!

Dowladda Federaalka ee uu Hoggaamiyo Xasan Sheekh ayaan iyadu wax dhibaato ah u arag Madaxweynayaasha Sii kordhaya ee Soomaaliya kusoo badanaya maadaama Sida ay ku Shaqeyso Dowladda Federaalka ay qabaan in ay waafaqsan yihiin Nidaamka Federaalka ee ay ku dhisan tahay!!.

Marka loo eego Nidaamyada Federaalka ee Caalamka waxaa si Cad u Muuqata in uusan Dunida ka jirin Wadan leh wax Badan 1 Madaxweyne, Tusaale ahaan Wadanka Mareykanka ama USA oo micnaheedu yahay Gobolada Midoobay ee America, Balse Goboladaasi iyagoo ismaamula si Madax banaan ayey haddana leeyihiin Madaxweyne kaliya oo ah Obama mana lahan madaxweyne yaal ee waxay leeyihiin Guddoomiyaal Gobol kuwaas oo Hoos yimaada Dowladda Dhexe ee Washington .

Haddaba waxaa Nasiib Darro iyo Musiibo Qaran Noqotay in Somaaliya oo aan Baaxad ahaan Dhameyn Gobol ka mid ah Mareykanka ay ka jiraan in ka badan 10 Madaxweyne oo mid kastaa uu sheeganayo in uu yahay Madaxweyne Gobolka uu joogo, kuna dhaqaaqayo wixii uu doono, heshiis la galayo Cidii uu doono, la shiro cidii uu doono isagoon cidna la tashaneyn !!

Maxaa Sax ah

Hadda Sida wax ku Socdaan ma ahan wax Caqli Saliim ah geli kara ,waxayna u muuqataa riyo Maalmeed in Somaliya ay yeelato intaas oo madaxweyne dadka u durbaan tumayana waa dad aan wax garad aheyn oo aysan u kala saarneyn been iyo run isumana eka, Nidaam Federaal waa la yaqaanaa in kastoo uusan Soomaaliya u habooneyn marnaba haddana sida hadda loo Fasirayo Federaalka ayaaba Khaldan waayo micnihiisu waxa waaye in dalku Gobollo isku Maamulo balse Dowlad Dhexe hoos yimaado ee ma ahan in Dalku yeesho tobaneeyo madaxweyne in kastoo aan la Ogeyn Sharciga uu ku jiro xitaa 1 Madaxweyne ee Soomaaliya ka jira maadaama dadku aysan Dooran aysana u doorin Waxgaradka iyo indheer garadku taas oo waxba kama jiraan ka dhigeyso cid kastoo dad gaar ahi Doortaan ama iyado is doorta.

Haddii lagu dhaqmayo Federaal iyo haddii kalaba wax Suurta Gal ah ma ahan in ay dhowr KM oo isku weer ah ka kala arrimiyaan 2 ama 3 Madaxweyne kuwa madaxweyne nimada riyada iyo Fowdada ah Sheeganaya haddiiba ay Jid sharci ah ku yimaadaan magacoodu ama titile koodu wuxuu Noqonayaa Guddoomiye Gobol, Wasiiradooduna waxay Noqonayaan Xoghaye yaal , Sida xoghayaha arrimaha Gudaha Xoghayaha Caafimaadka, Xoghayaha Waxbarashada IWM.

Kuwa is mooday Siyaasiyiinta waxaan leeyahay umadda ka Daaya Fowdada iyo is dhinac Roorka, Naftiinana been ha sheegina ee Saxa magacyada aad la baxdeen oo Xitaa ka dhiga kuwo runta u Dhow la idinka Sugi mayo in aad run sheegtaane hore ayaan idiin baranay.

Shacabkii waa dayacan yahay badaha ayey ku dhamaadeen dhalinyaradii Xabsiyada ayey ku ureen wax dan ah qof ka leh ama u diirnaxaya siyaasiyiinta ma aragno waxay kaliya ay ka fekerayaan in Idaacadaha iyo telefishinada ay ka dhageystaan Madaxweynaha Gobolk hebel iyo Gobol hebel!! Waa la yaab

Ma aragno iyagoo u safraya Dibada Kenya ayaa ugu dhow Sidii loosoo Deyn lahaa Maxaabiista Dulmiga ugu Xiran Kenya oo Burcad badeeda lagu soo eedeeyay?? Halka aan arkeyno iyagoo itoobiya iyo Kenya Lafteeda looga yeerayo si loogu Soo meeriyo Siyaasadaha Shisheeye ayna uga dhaqan Geliyaan Soomaaliya.

Aloow Soomaali adaa u maqan
W/Q. Bashiir Mohamed Saadaal
Mr.bashiir088@gmail.com
Mogadishu-Somalia