Kismaayo (Caasimada Online) – Magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose waxaa ka socdo qaban qaabadii ugu dambeysay ee ku aadan soo xulida xubnaha wasiirada maamulka Jubbaland oo muddo badan laga sugayay madaxweyne Axmed Madoobe.
Xalay waxaa magaalada Kismaayo ka dhacay kulamadii ugu dambeeyay ee looga tashanayay soo xulida xubnaha golaha wasiirada ee maamulka Jubbaland, waxaana kasoo dhex muuqan doona wasiirada cusub shaqsiyaad aan horey looga arag saaxada siyaasada Jubooyinka.
Wararka aan helnay ayaa sheegaya in madaxweyne Axmed Madoobe uu diyaariyay madaxweyne ku xigeenkiisa koowaad shaqsiga uu kadhigayo,waxaana soo baxeysa iney daaqada ka bixi doonaan labada madaxweyne ku xigeen ee haatan jira.
Shalay magaalada Kismaayo waxaa tagay Maxamuud Sayid Aadan, oo ah ruuxa loo badiyay inuu noqonayo madaxweyne ku xigeenka Jubbaland, waxaana uu booska kala baxayaa Gerenaal Fartaag maadaama ay gobol kasoo wada jeedaan.
Axmed Madoobe ayaa tan iyo markuu kasoo laabtay magaalada Addis Ababa wuxuu kulamo kala duwan Kismaayo kula qaadanayay waxgaradka iyo odayaasha deegaanada Jubbooyinka.
Saacadaha soo socda ayaa la qorsheynayaa in wasiirada cusub lagu dhawaaqo.
Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
[email protected]

